Ruushka oo sheegay in Biden uu Faramarnaan kalasoo laabtay Sacuudiga.

Thursday July 21, 2022 - 12:52:16
Liibaan Jeexoow
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in socdaalkii uu madaxweynaha Mareykanka ku tagay dalka sacuudiga uu ahaa mid waqti lumis ah oo aan laga gaarin hadafkii laga lahaa.

Caddeymo uu bixiyay Miikhaa'iil Boghdaanoof oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka ayuu ku sheegay in Joe Biden uu Sacuudiga u tagay sidii uu hoggaamiyaasha khaliijka uga dhaadhicin lahaa in ay sare uqaadaan waxsoo saarkooda shidaal balse uusan arrinkaas wax guul ah kasoo hoynin.

"Booqashadii Biden ee Sacuudiga ma aheyn mid soo jiidasho leh Mareykankuna ma xaqiijin wixii uu doonayay oo ahaa in booqashada ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah" ayuu yiri Miikhaa'iil Boghdaanoof.

Xukuumadda Moscow waxay sheegtay in Washington ay fara marnaan kalasoo laabatay bariga dhexe islamarkaana ay dowladaha Khaliijka ku adkeysteen in ku dheganaanshiyaha heshiiskii ay horay ugaareen dowladaha soo saara shidaalka ee loo yaqaan OPEC+ oo Ruushku xubin muhiim ah ka yahay.


Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Yukreyn ayaa sare ukac weyn laga dareemay qiimaha shidaalka iyo cuntada caalami ahaan, hoggaanka Mareykanka ayaa dhowr jeer isku dayay in uu dowladaha carabta ku cadaadiyo soo saaridda malaayiin barmiil nafta ah si uu hoos ugu dhacp qiimaha shidaalka basle wali arrintaas kuma guuleysan.


Related Items