Ruushka oo ogolaaday in Qamadiga Yukreyn dibadda loo dhoofiyo.

Saturday July 23, 2022 - 07:40:21
Liibaan Jeexoow
Waxaa lasoo gaba gabeeyay shirar ka socday wadanka Turkiga oo lagu doonayay in lagusoo daabulo shixnado raashin ah oo ku xanniban dekadaha wadanka Yukreyn.
Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in lasaxiixay heshiis ogolaanaya in lasoo daabulo Qamadiga iyo Galleeyda Yukreyn ee ku xayirmay duullaanka Ruushka.

Wasiirrada difaaca Yurkreyn iyo Ruushka ayaa saxiixay heshiiskan ogolaanaya in maraakiibta shixnadaha sida ay si nabad gelya ah isaga kala gooshaan Badda Madoow.

António Guterres oo ah xoghayaha guud ee Q.Midoobay ayaa oo ku sugnaa madashii heshiiska lagu saxiixayay ayaa soo dhoweeyay wuxuuna ugu baaqay dhinacyada ku hardamaya dalka Yukreyn in ay ogolaadaan daabulidda cuntada.

Dalka Yukreyn ayaa soo saaray 30% Qamadiga iyo saliidda laga isticmaalo caalamka balse afar bilood kadib markii uu Ruushku ku duulay dalkan ayay joogsadeen howllihii qamadiga lagu dhoofinayay.

Related Items