Cali Jeyte oo sheegay iyo Liyuu Boolisku ay dhibaato ku hayaan Shacabka Hiiraan.

Monday July 25, 2022 - 09:39:32
MeMO Staff
Maamulka gobolka Hiiraan ugu magacaaban DF-ka ayaa sheegay in maleeshiyaadka dowladda Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu Booliska ay dhibaato xooggan ku hayaan shacabka soomaaliyeed.
Cali Jeyte Cusmaan oo ah guddoomiyaha Hiiraan ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in maleeshiyaadka Liyuu Booliska ay handadaad iyo dilal ku hayaan shacabka rayidka ah ee ku sugan deegaannada xuduud beenaadka dhaca.

Wuxuu sheegay in maleeshiyaadkan ay gudaha usoo galeen tuulo 16KM dhacda gudaha gobolka Hiiraan islamarkaana ay halkaas xasuuq daran ugu geysteen dad shacab ah.

"Niman Liyuu Boolis ama taaq taaq layiraahdo oo lamoodo in xuduudda ay macdan ugu daadsantahay ayaa dhibaata ku haya shacabka Hiiraan" waxaa sidaas yiri Cali Jeyte Cusmaan.

Maleeshiyaadkan oo ay dhistay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa caan ku ah dhibaataynta shacabka Soomaaligalbeed balse sanadadii dambe ayay usoo tallaabayeen deegaanno katirsan gobollada Hiiraan iyo Bakool halkaas oo ay gummaad daran ka geysteen.

Related Items