Madaxweyne Alsiisi oo sheegay in Xasan Gurguurte uu Masar ku taageeray diidmada biya xireenka Al Nahda.

Tuesday July 26, 2022 - 07:47:12
MeMO Staff
Madaxweynaha DF Soomaaliya oo socdaal ku jooga wadanka Masar ayaa kulamo laqaatay mas'uuliyiinta ugu sarraysa nidaamka dabadhilifka ah ee uu hoggaamiyo Cabdifataax Alsiis.
Xasan Gurguurte oo shalay tagay magaalada Alqaahira ayaa shalay kulan laqaatay madaxweynaha Masar waxayna kawada hadleen baa layiri arrimo dhowr ah.

Shir jaraa'id oo ay labada nin si wadajir ah uqabteen ayay kusoo bandhigeen wixii uu salka ku hayay kulankooda, Cabdi Fataax alsiisi oo hadalka ku horreeyay ayaa sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay mid taariikhi ah ayna DF-ka ka taageeri doonaan ladagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada iyo arrimo kale.

Nidaamka Masar wuxuu sheegay in ay mar walba garab taaganyihiin wax uu ugu yeeray dowladda soomaaliya oo uu ula jeedo maamulka ka jira Villa Somalia.

Alsiisi wuxuu carrabaabay in madaxweynaha DF Soomaaliya ay isku waafaqeen halista ay leedahay tasarufaadka halka dhinac ah ee dowladda Itoobiya ku wajahayso khilaafka ka taagan biya xireenka Al Nahda.

Xasan Gurguurte oo isna shirka jaraa'id ka hadlayay ayaa sheegay in ay Masar ku garab taaganyihiin difaacashadeeda amniga biyaha, dadka falanaqeeya arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in xukuumadda Alqaahira ay dhiiqo luga ugelinayso Xasan Gurguurte ayna isku dayayso in ay taageero uga hesho khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya ee ku saabsan biya xireenka weyn ee laga dhisay webiga Niil.

Nidaamkii uu hoggaaminayay Farmaajo ayaa taageeri weyn siin jiray siyaasadda Itoobiya ee biya xireenka webiga Niil waxaana muuqata in Xasan Gurguurte uu isna siyaasad taas khilaafsan qaatay.

Lama oga saameynta ay DF-ka Soomaaliya ku yeelan karto taageerada ay umujisay dowladda Masar, dowladda xabashida Itoobiya ayay kumanaan kun oo askari ka joogaan soomaaliya waxaana suuragal ah in ciidamadaas qaar kamid ah ay labaxdo iyadoo ku xumaynaysa hoggaamiyaha cusub ee DF-ka.
Dalka Soomaaliya ayaa noqonaya goob ay ku loollamaan quwado caalami ah iyadoona dowlad ku sheegta ka jirta ay ku dhax milantay quwadahaas damacyada kala duwan leh.
============

Related Items