Al Shabaab oo sheegtay qarax lagu dilay guddoomiyihii degmada Marka.

Wednesday July 27, 2022 - 12:20:26
MeMO Staff
Midig Cabdullaahi Waafoow oo lasawiran sarkaal AMISOM katirsan
Midig Cabdullaahi Waafoow oo lasawiran sarkaal AMISOM katirsan
War goordhow nagasoo gaaray gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in weerar naf hurnimo lagu dilay mid kamida saraakiisha ugu sarraysa DF-ka ee gobolka islamarkaana xiriir dhow lalahaa ciidamada shisheeye.
Cabdullaahi Waafoow oo ahaa guddoomiyaha degmada Marka islamarkaana ahaa sarkaal ciidan ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay qarax xooggan oo maanta barqadii ka dhacay bartamaha magaalada Marka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in camaliyad istish-haadi ah lagu beegsaday Waafoow "Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday Cabdulaahi Waafoow oo Murtadiinta ugu magacaawnaa guddoomiyaha degmada Marka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Waafoow ayaa kamid ahaa shakhsiyaadkii dabadhilifyada ahaa ee ciidamada shisheeyaha ah AMISOM kusoo hoggaamiyay degmooyin badan oo katirsan Sh/hoose.


Related Items