Dowladda Turkiga oo dhaleecaysay weerarii lagu dilay guddoomiyihii degmada Marka.

Thursday July 28, 2022 - 12:19:03
Liibaan Jeexoow
Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu dhaleeceeyay weeraro jihaadi ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya.
Dowladda Turkiga waxay si kulul ucambaaraysay weerar naf hurnimo oo shalay ka dhacay magaalada Marka kaasi oo lagu dilay Cabdullaahi Waafoow oo ahaa guddoomiyaha degmada islamarkaana wada shaqeyn dhow laleh taliska ciidanka Uganda.

Turkigu wuxuu sheegay in uu ka xunyahay qaraxii Waafoow lagu dilay iyo mid kale oo ka dhacay degmada Afgooye kaasi oo lagu beegsaday askar katirsan DF-ka.

Warsaaafadeedka kasoo baxay xukuumada Anqara ayaa lagu dhaleeceeyay weerarada Xarakada Al Shabaab oo ay ku sheegeen mid argagaxiso.

Turkiga ayaa faragelin melleteri iyo mid dhaqaale ku haya dalka Soomaaliya wuxuuna taageera siiyaa maleeshiyaadka dowladda iyo ciidamada Afrikaanta.

Related Items