Roobab duufaanno wata oo ku dhuftay Khaliijka Carabta iyo Iiraan.

Sunday July 31, 2022 - 12:06:45
Liibaan Jeexoow
Roobab Mahiigaan ah oo sababay daadad iyo fatahaado xooggan oo ku dhiftay wadmo dhaca Khaliijka, kuwaas oo geystay khasaarooyin kala duwan.
Mowjado daadad iyo tafahaado ah ayaa ku dhiftay dowlado badan oo dhaca Mandiqadda loogu yeero bariga dhexe, si gaar ahna kuwa Khaliijka, waxayna ka dhesheen roobab xooggan oo ka da'ay dalalkaas, kuwaas oo sidoo kale sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho dhaawac iyo bur bur xooggan oo soo gaaray dhismayaal waaweyn oo la degan yahay.

Wadamada ugu badan ee laga soo calaameedayay mowjadahaan fataahada ah ayaa waxaa kamid ah Iiraan, Imaaraatka Carabta, Yeman iyo dowlado kale oo dhaca Khaliijka, kuwaas oo saaameyn daran ay ku reebeen daadadka ku fatahay dalalkaas.

Ugu yaraan 24 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena wa alagu la'yahay daadad xooggan oo ku fahay goballo badan oo dhaca dalka Iiraan, si gaar ahna kuwa u dhaw magaalada Tehran oo ah caasimadda dalkaas, waxaynta fatahaaduhu soo billawdeen tan iyo maalintii Arbcada ee laso dhaafay, xilli is badal xagga cimilada ah laga soo sheegayo dalkaas.

Roobab aad u xooggan ayaa tan iyo xilligaas ka da'ayay dalkaan, waxaana qolyaha gurmadka deg degga ah ay wadaan dadaallo lagu soo bad baadinayo ugu yaraan 19 ruux, oo lagu la'yay deegaano dhaca magaalada Tehran, kuwaas oo ay saameyn ku yeesheen daadadka.

Ibraahin Ra'iisi oo ah Madaxweynaha xukuumadda shiicada ah ee Iiraan ayaa amar ku bixiyay in xaalad deg deg ah lagu soo rogo dalka, wuxuuna madaxda dalkaas ugu baaqay iney sameeyaan dadaallo wax loogu qabanayo dadka ay dhinaatadu kasoo gaartay musiibadaan ka dillaacday wadamo badan oo dhaca Mandiqadda.

Dalka Yeman ayaa kamid ah wadamada laga soo sheegayo dhibaatada ka taagan Gobalka, Hay'adda sheegata cunnada adduunka ee taabacsan Qaramada Midoobey magaceedana loosoo gaabiyo FAW ayaa ka digtay in roobabka xooggan ee bishaan ka da'aya dalkaas ay sababaan fatahaado wax bur buriya.

Waxay hay'addu qeyla dhaan u dirtay Qaramada Midoobey, taas oo ka dalbatay in gar gaar bani'aadannimo oo deg deg lasoo gaarsiiyo dalka Yeman, si loo yeerayo saameynta ka dhalaneysa fatahaadaha, oo ku badan goballada dhaca galbeedka dalkaas.

Maalmo ka hor ila wareedyo maxalli ah ayaa soo tabiyay, in tirada dadka ku dhintay daadadkaan ee dalka Yeman ay kor u dhaafeyso ugu yaraan 22 ruux, oo ay caruur ku jiraan, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana musiibadaan laga soo calaamadeeyay goballo badan oo dhaca galbeedka, Woqooyiga iyo Koonfta dalka Yeman.

Dowladaha Khaliijka ee uu ay aadka u saameysay Musiibadaan waxaa kaalinta koowaad kaga jirta Imaaraatka Carabta, mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee dalkaas ayaa laga soo sheegayaa xaalad adag oo ay sababeen daadadka ku dhiftay Mandiqadda.

Fatahaado aad u xooggan ayaa ku dhiftay Magaalooyinka Shaariqah, Al-Fajiirah, iyo Ra'sul Khiimah oo dhammaantood dhaca woqooyiga dalkaas, ka gadaal markii ay halkaasi ka da'een roobab xooggan, kuwaas oo sababay khasaarooyin kala duwan.

Waxaa inta badan xirmay wadooyinka waaweyn ee magaalooyinkaan, si gaar ahna magaalada Shaariqah ee caanka ku ah ganacsiga, muuqaallo lagu baahiyay baraha intenetka ayaa muujinaya wadooyin waaweyn oo gabi ahaanba ay jareen fatahaada, iyo gawaari dul sabeyneysay mowjdaha daadka ah ee ku dhiftay halkaas.

Xunuukmadda Abu Dubai ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, iyayadoona magacawday guddi tirakoob ku sameeya khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay musiibadaan, waxaana boqallaal dad ah laga daad gureeyay guryahooda, kadib markii ay gudaha usoo galeen daadadka.

Madaxda dalkaan ayaa dadka ugu baaqay inay taxaddar dheeri ah muujiyaan, islamarkaana ka fogaadaan goobaha ay ku dhifteen daadadka, balse arrinta ayaa ka weyn in digtooni la qaato, waxa ka soconaya dalkaan ayaana ah musiibo rabaani ah oo wax baabi'isa.

Fatahaadahaan waxay sidoo kale sababeen dhimashada tiro dad ah, kuwaas oo ku maashoobey biyaha fariistay wadooyinka, iyo qaarkood oo ay biyuhu ugu galeen guryadooda, waxayna madaxdu xaqiijiyeen dhimashada iyo dhaawaca 30 ruux.

War kaso baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Abu Dubai ayaa lagu xaqiijiyay, in 6 ruux oo kasoo jeeda qaaradda Aasiya ay ku dhinteen daadadka ku dhiftay dalka Imaaraatka Carabta, ayna ku dhaawacmeen ugu yaraan 24 ruux oo kale, halka la la'yahay oo ay biyuhu la tageen tiro kale oo dad ah.

Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale lagu sheegay, inay socdaan howlo lagu baadi goobayo dad badan oo lagu la'yahay fataahadaha dalka ku dhiftay, kuwaas oo kasoo kala jeeda dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Muuqaallada laga soo qaaday goobaha ay saameeyeen fataahadaha ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa ah kuwa muujinaya baaxadda uu la egyahay khasaaraha ka dhashay musiibadaan, Magaalada Shaariqah ee gacansiga caanka ku ah ayaana la arkayaa iyadoo ay wadooyinkii xirmeen, daadad kusii qul qulaya daaraha dhaadheer ee magaaladaas, iyagaano jabsaday albaada iyo dariishada dhismayaasha waaweyn ee magaalada.

Sidoo kale waxaa jira wadamo kale oo dhaca Mandiqadda, kuwaas oo iyagana laga soo sheegayo xaalado lamid ah kuwa ka taagan dalalka aan soo sheegnay, ee ay saameynta xooggani ku reebeen fataahadaan.

Goballo badan oo dhaca dalka Qadar waxaa ka da'ay roobab xooggan, waxaana lasoo sheegayaa in biriq ay ku dhacday meelo badan oo dhaca goballadaan, si gaar ahna kuwa ku yaalla bartamaha waddankaas.

Hay'adda saadaasha hawada ee dalka Qadar ayaa ka digtay, in dabeylo xooggan ay ku dhifteen goballada dalkaas, islamrkaana ay kacaan mowjado hirar ah oo ay baddu sameyso, waxayna xukuumaddu muujisay walaaceeda ku aadan arrintaan.

Roobabkaan ayaa waxay wataan dabeylo xooggan, waxaana goobaha laga soo sheegayo kamid ah dalka Sucuudiga, Mandiqadda Jaazaan ee dhacda koonfur galbeed ee dalkaan ayaana kamid ah goobaha ay saameynta ku reebeen dabeylaha.

Si guud ahaaneed Mandiqadda ayaa waxaa hadda ka taagan xaalad cakirnaan ah, inkastoo ay arrimahaan ku yimaadeen is badalka cimilladana, haddana waxaa xusid mudan in baharku uu kaalin weyn ku leeyahay musiimada, maadaama ay badan dunuubtooda, dhulalka inta badan laga sheegayo dhibaatada ayaana kuwa ay ka jiraan fasaad daran, sialamrkaana lagu soo dhaweeyay mushrikiintii uu rasuulka SCW faray in laga saaro Jaziiradda Carabta.

Related Items

Update cookies preferences