Xukuumadda Mareykanka oo sheegtay in ay heshiisiinayso TPLF iyo dowladda Itoobiya.

Sunday July 31, 2022 - 12:09:34
Liibaan Jeexoow
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ka shaqeynayso dadaallo lagu heshiisiinayo mucaaradka hubaysan ee dalka Itoobiya iyo dowladda dhexe.
Ergayga gaarka ah ee Washington uqaabilsan arrimaha geeska Afrika ayaa sheegay in ka hor inta aan wadahadallada laguda gelin shixnado gargaar ah lageyn doono gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya dhaca.

Dhinaca kale hoggaamiyaha TPLF ayaa sheegay in aysan aqbaleyn wadahadal ku saabsan in ciidamada Tigray ay hubka dhigaan si ay isugu diyaariyaan wahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda Itoobiya.

Kooxaha mucaaradka Itoobiya ayaa markale ku gacan sayray baaq kasoo yeeray xukuumadda xabashida ee dalbanayay in hub ka dhigis lagu sameeyo jabhadaha hubaysan si loo dedejiyo wadahadallada nabadda.

Kooxda qowmiyadda Tigreega ee TPLF ayaa sheegtay in aysan marnaba hubka dhigi doonin ayna sii wadayaan dagaalka illaa ay ka xaqiijinayaan ahdaaftooda siyaasadeed.

Farriin cusub oo uu jeediyay hoggaamiyaha TPLF ninka lagu magacaabo Debretsion Gebremichael ayuu ku sheegay in ay ganafka ku dhufteen warkasoo kasoo baxay xukuumadda Addis Ababa ee ahaa in hubka dhigis lagu sameeyo Tigreega ka hor inta aan wadahadallo rasmi ah laga yeelan colaadda uu dhiigga badan ku daatay.

Nidaamka abiy axmed ayaa horraantii isbuucan sheegay in aysan miiska wadahadallada lafadhiisan doonin madaxda TPLF illaa ay hubka ka dhigayaan isagoo arrintaas ku sababeeyay in dastuurka itoobiya uusan dhigaynin.

Related Items