Dagaal dhaxmaray Ciidamada Taliban iyo kuwa dowladda Iiraan.

Monday August 01, 2022 - 16:32:49
MeMO Staff
Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in markale ay dagaallo culus dhaxmareen ciidamada Imaarada Islaamiga ah iyo kuwa dowladda shiicada iiraan.
Labada ciidan ayaa shalay ku dagaallamay deegaan katirsan wilaayada Nimruuz ee dhacda Koonfur galbeed afghanistan kuna dhow xuduud beenaadka.

Mas'uul uhadlay imaarada islaamiga Afghanistan ayaa xaqiijiyay in iska hor'imaad culus u dhaxmaray labada dhinac isagoo dhanka Iiraan ku eedeeyay in ay xabadda bilaabeen.

Imaarada Islaamiga ah waxay sheegtay in ugu yaraan 1 askari uu uga shahiiday iska hor'imaadka halka tira kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Afhayeen uhadlay ciidamada ilaalada xuduudda dowladda Shiicada Iiraan ayaa lagasoo xigtay in dagaalku uu bilaawday kadib markii ay ciidamada Imaarada Islaamiga ah ay xuduudda ka gudbeen ayna calanka Towxiidka sureen bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo Iiraaniyiin ah.

isku dhacyada udhaxeeya labada dhinac ayaa soo badanayay tan iyo markii dalka Afghanistan laga saaray ciidanka Mareykanka waxaana xumaaday xiriirka udhaxeeya Imaarada Islaamiga ah iyo xukuumadda Tahraan.

Bilo ka hora ayaa Iiraan lagu qasbay in ay dib soo celiso dhammaan gaadiidkii iyo hubkii uu lahaa dalka Afghanistan ee dalkeeda ay ula goosteen ciidamada xukuumaddii camiilka aheyd ee mujaahidiintu ay rideen bishii Augst ee sanadkii lasoo dhaafay.

Related Items