Joe Biden oo ku dhawaaqay in ay duqeyn ku dileen Dr Ayman Al-Dawaahiri Amiirkii Al Qaacidda.

Tuesday August 02, 2022 - 07:45:03
Liibaan Jeexoow
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dishay Dr Ayman Al Dawaahiri oo ahaa amiirkii Tandiimka Qaacidatul Jihaad.
Joe Bidan ayaa khudbad uu xalay saqdii dhexe jeediyay ku sheegay in duqeyn ka dhacday magaalada Kaabuul ee caasimadda dalka Afghanistan ay sababtay dilka Amiirkii Al Qaacidda.

Wuxuu sheegay in diyaarad Drone ah ay ku beegsadeen Dawaahiri islamarkaana aysan jirin cid kale oo wax ku noqotay duqeynta, Biden wuxuu khudbaddiisa ku carabaabay in muddo ku dhow 6 bilood ay isha ku hayeen gurigii uu Dr Aymen ka deganaa magaalada Kaabuul ugu dambeyntiina ay laba gantaal ku rideen guriga maalintii sabtida ee lasoo dhaafay.

CIA-da ayaa iyana sheegtay in goobta ay duqeyntu ka dhacday ay tahay xaafadda Diblumaasiyiinta oo aad ugu dhow dhismaha Safaaraddii Mareykanku isaga cararay markii ay Taliban la wareegtay xukunka Afghanistan.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Hoggaanka Al Qaacidda oo ku saabsan sheegashada halka dhinac ah ee ka timid xukuumadda Washington.

Related Items