Imaarada Islaamiga oo Cambaaraysay duqeyn uu Mareykanku ka geystay Afghanistan.

Tuesday August 02, 2022 - 13:28:11
Liibaan Jeexoow
Imaarada islaamiga Afghanistan ayaa si kulul ucambaaraysay duqeyntii ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen magaalada Kaabuul ee caasimadda ah.
Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka rasmiga Imaarada ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in sabtigii lasoo dhaafay ay jugta qarax weyn ka maqleen xaafadda Diblumaasiyiinta ee Shiirboor kadibna baaritaan ay sameeyeen laaamaha ammaanka lagu ogaaday in diyaarad Drone ah ay duqeysay guri ladeganaa.

Imaarada Islaamiga ayaa duqeyntan ku sifaysay mid halis gelinaya heshiiskii Dooxa ee dhigayay in Mareykanku uu soo gaba gabeeyo dagaalka Afghanistan.

Imaarada Islaamiga waxay sheegtay in Mareykanku uusan wax ku qaadan tajaarubtiisi dagaalka ee 20kii sano ee lasoo dhaafay.

Joe Biden ayaa kalimad uu xalay jeediyay ku sheegay in duqeyn ka dhacday Kaabuul ay ku dileen Sheekh Dr.Aymen Al-Dawaahiri amiirkii Qaacidatul Jihaad.

Dhinaca kale xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka ayaa Hoggaanka Taliban ku eedeeyay in ay hooy aamin ah siiyeen Dr Aymen Al Dawaahiri.

Kaaliyaha wasiirka arrimaha gudaha Imaarada Islaamiga Saraajudiin xaqaani ayaa la sheegay in uu lahaa guriga lagu duqeeyay Amiirkii Al Qaacidda arrintan oo muujinaysa in Hoggaanka jihaadka uu dhanyahay maamulka islaamiga ee dalka ka hana qaaday

Related Items