Sheekh Xasan Daahir oo ka hadlay dilka Ayman Al Dawaahiri Farriin kululna udiray Biden Dhageyso.

Tuesday August 02, 2022 - 19:37:19
Liibaan Jeexoow
Sheekha daaciga maxbuuska ah Xasan Daahir Aweys Rabbi hasoo daayee ayaa si kulul uga hadlay falkii fulaynimada lahaa ee Mareykanku uu ku dilay Dr Aymad Al Dawaahiri Amiirkii Al Qaacidda.
Sheekh Xasan Daahir oo kalimad kooban jeediyay ayaa lahjad kulul kula hadlay Joe Biden oo xalay ku faanay in uu dilay Sheekh Aymen Al Dawaahiro oo ahaa caalim mujaahid ah oo inta badan noloshiisa kusoo qaatay fidinta dacwada islaamka iyo koryeelidda Kalimadda Alle.

Xasan Daahir Aweys ayaa Biden Naar ugu bishaareeyay "Adduun iyo Aakhiro idinkaa dhib qaba, annagu guul ayaan marwalba haysanaa" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka tiiraanyaysnaa istish-haadka Dr Aymen.

Wuxuu soo hadal qaaday jaraa'imta foosha xun ee Mareykanku ugeysanayo muslimiinta caalamka isagoo dilaya hoggaankeedi iyo culimadeedi kadibna sheeganaya in uu nabad iyo deganaanshiyo laraadinayo bani'aadamka.

Sheekh Daahir Aweys ayaa umadda islaamka Alle uga baryay in uu usoo saaro hoggaamiye lamid ah Dr Aymen Al Dawaahir si uu halkiisa ugasoo wado halganka iyo kifaaxa barakeysan.

Halkan ka dhageyso Kalimadda Sh,Xasan MP3

Related Items