Wasiir iska casilay Xukuumadda Cusub iyo Xasan Gurguurte oo hadlay.

Wednesday August 03, 2022 - 09:54:19
Liibaan Jeexoow
Mid kamida xubnaha cusub ee golaha wasiirrada ayaa iscasilaad ku dhawaaqay saacado kadib markii xilkaas loo magacaabay.
Max'med C/qaadir oo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorshaynta ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkaas loo magacaabay islamarkaana aan lagala tashan.

Sababta uu udiiday xilka ayuu ku sheegay isaga oo aan uqalmin beeshiisa, dhinaca kale Xasan Gurguurte ayaa kulan soo dhoweyn ah layeeshay wasiirrada cusub ee lamagacaabay.

Xasan Sheekh ayaa madaxtooyada ku qaabilsan wasiirrada cusub isagoo ugu baaqay in mudnaanta koowaad ay siiyaan arrimaha ammaanka,gurmadka abaaraha iyo dib uheshisiinta.

DF-ka ee taakta daran ayaa loo badinayaa in wax cusub aysan kusoo kordhin doonin saaxada Soomaaliya waxaana sugaya khilaaf siyaasadeed iyo arrimo kale.

Related Items