Shiinaha oo sheegay in uu howlgal melleteri ka fulinayo Taiwan kadib booqashadii Pelosi.

Wednesday August 03, 2022 - 10:04:02
Liibaan Jeexoow
Dowladda Shuuciyadda Shiinaha ayaa si aad ah uga carootay booqashada ay Afhayeennada baarlamaanka dalka Mareykanka ku tagtay Jaziiradda Taiwan ee maamul ahaa Shiinaha katirsan.
Nancy Pelosi ayaa iyadoo la socotay diyaarad khaas ah waxay ka degtay magaalada Taipei ee caasimadda u ah dowladda Taiwan iyadoona dhegaha ka furaysatay digniino uga imaanayay ciidanka cirka China.

Shir jaraa'id oo ay wada qabteen madaxweynaha Taiwan ayay Nancy Pelosi ku sheegtay in Mareykanku uu dhan walba ka taageeri doono Jaziiraddan yar ee halista kala kulmaysa Shiinaha.

Dhinaca kale dowladda Shuuciyadda China ayaa ku dhawaaqday dhoollatusyo melleteri oo ka dhici doono dhammaan xuduudaha Taiwan arrinkaas oo halis gelin kara ammaanka Afhayeennada baarlamaanka Mareykanka.

Waa booqashadii ugu horraysay oo mas'uul sare oo American ah uu ku tago Jaziiraddan gooni ugoosadka ah.


Related Items