Waa Kuma Jeneraalka Itoobiyaanka ah ee isaga kala gooshaya magaalooyinka Soomaaliya [Warbixin].

Thursday August 04, 2022 - 07:43:50
3048
Liibaan Jeexoow
Taliyaha Sirdoonka ciidanka Itoobiya ahna madaxa howlgelinta ciidamada General Berhanu kebede ayaa socod ku maraya magaalooyin ay ka taliyaan maamullada dabadhilifka ah ee Soomaaliya.

Jeneraalkan ayaa maalin ka hor ka dagey magaalada Hargeysa iyadoo maalmihii ka horreeyayna la sheegay in uu joogay gobollada dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Berhanu ayaa maamulka ‘Somaliland’ isku magacaabey kala hadley amniga sida wararku sheegayaan. Dhanka kale waxa uu jeneraalkani hore u ahaa diblomaasi jagooyin sarsare ka soo qabtey Itoobiya xilligii Tigreega.

 Waxaana la xasuustaa maqaal uu ku daabacay shebekadda Guardian 15sano ka hor kaas oo uu kaga hadlayey in xukuumadda Soomaliya ay u taag la’dahay qabiil hoose "Soomaaliya waxay naga codsatey in aan ka badbaadinno jufo hoose oo bahalowday” ayuu ciwaan uga dhigey maqaalka halkaas oo uu ku caddeeyay beesha magaceeda.

Ninkan oo aad u kala bartey Soomaalida ayaa hadda raba in uu taxaaluf cusub ka helo maamulladan dhadhamo raaca ah kuwaas oo aan waxba ku kordhin karin sida muuqata. Tan ayaa waxay ka dambaysay ka dib markii ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ay cagta mariyeen dhawr xero oo ay ciidanka Liyuu Boolisku ku lahaayeen xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Deegaannada Yeed iyo Aato ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay uu dagaal adagi ku dhexmaray Ciidamada Shabaabka iyo kuwa Liyuu Boolis. Marka la eego xaaladda Geeska Afrika siiba ahaan ta Itoobiya ayaa aad u qasan ka dib markii dagaallo lagu riiqday ay dhexmareen sannadihii la soo dhaafey Ciidanka DF iyo kuwo jabhadda TPLF.

Sidoo kale Jeneraalkan Xabashiga ah ayaa booqday magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulan kula qaatay Cabdi Casiis Laftagareen iyo saraakiisha Itoobiyaanka ee maamula Xabashida gummeysiga ku haysta gobollada Bay iyo Bakool.

Waxaa qoray Wadaadyare Xaashi

Related Items