Azarbijan oo guulo ka sheegatay dagaal ay lagashay Armeeniya.

Thursday August 04, 2022 - 13:34:04
Liibaan Jeexoow
Muddo hadda laga joogo ku dhawaad 2 sano, waxaa xuduudda ay wadaagaan Aderbijaan iyo Armeniya kasoo cusboonaatay xiisad adag oo u dhexeysa labada dhinac, iyadoo lasoo sheegayo iska hor imaadyo geystay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray ciidamada dalalkaas, halka dowladda Ruushka ay dhinacyada is hayo ku eedeysay inay jabiyeen xabad joojintii horraan la dhex dhigay.
Mandiqadda Nagorno-Karabakh ayaa waxay marti gali marti galinaysaa iska hor-imaadyo culus oo dhex maraya ciidamada Armiiniyiinta iyo kuwa Aderbijaan, waxayna arrintaan timid kadib markii askari Armeniyan ah la dilay, halka xukuumadda Aderbiyaanna laga dilay 2 askari oo kale.

Xiisaddaan ayaa saameyneysa heshiisyadii nabadeed ay garwadeenka ka ahaayeen midowga Yurub ee muddo bilo ah u socday dhibanacyada ay hadda dirirtu ka dhexeyso, waxaana durbada isa soo taraya walaaca ay muujinayaan dowladaha reer Yurub, ee ku aaddan in xaaladdu ay fara kasii baxdo, isagoo ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto arrintaan.

Wasaaradda difaaca ee xukuumadda Aderbijaan ayaa maalintii shalay oo arbaco aheyd ku dhawaaqday in ay la wareegeen dhowr goobood oo istaraatiiji ah, isla markaana ay burburiyeen fariisimo ciidamada Armenia ay ku lahaayeen gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, xilli uu Midowga Yurub ku baaqayo in xabadda la joojiyo ayayna xukuumadda Moscow coladdaan soo cusboonaatay ku eedeysay xukuumadda Aderbijaan.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dowladda Adarbijaan ayaa lagu sheegay, in mellatarigu ay qaadeen howlgal loogu magac daray, camaliyatul Intiqaam, oo ay sheegtay inay kaga jawaabeyso taxarrukaatka ay ku tilmaamtay iney yihiin kuwa Argagixiso ee sharci darrada ah ee ay xukuumadda Armeniya ka wado qeybo kamid ah dhulka lagu muransan yahay, taas oo sababtay dhimashada hal askari oo kasoo jeeda Armeeniya, iyo dhaawaca 2 kale ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in ciidamada xukuumadda Armeniya ay isku dayeen la wareegista dhulka sare ee Qarqqaz kuna yaalla buuraleyda ku teedsan gobollada Kalbajar, iyo Lachin oo ay fariisimo cusub ka sameysanayaan, ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dolwadda Aderbijaan.

Wasaaradda difaaca ee xukuumadda Aderbijaan waxay bayaaankeeda ku adkeysay in loo baahan yahay in askarta Armeniya laga saaro deegaannada ay sida ku meel gaarka ah u maamulaan ciidamada Ruushka, isla markaana hubka laga dhigo ciidamada Armenia ee dagaalka kula jira xukuumadda Baako.
Muuqaalo uu daabacay saxafi ku dhow wasaaradda difaaca ee Aderbijaan ayaa muujinayay weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno "Bayraktar" oo lagu bartilmaameedsaday fariisimaha ciidamada Armeniya ee ku yaalla Mandiqadda lau muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Wakaalada wararka ee Bloomberg ayaa sidoo kale sheegtay in askari Aderbijaan ah iyo labo dagaalyahan oo Armenian ah la dilay, halka 15 kalana ay iska dhaawaceen labada dhinac, kadib markii ciidamada Azer ay qaadeen weerar loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay sheegtay Jamhuuriyadda aan la aqoonsan ee Armeniya ee Nagorno-Karabakh.

Dagaalku waxa uu ka qarxay Waddada Lachin, oo ah marin isku xira Nagorno-Karabakh iyo Armeniya oo sii mara dalka Azerbaijan, waxaana dusha ka ilaalinayey ciidamada la magac baxay nabad ilaalinta ee ka socda dowladda Ruushka, kuwaas oo halkaas ku tagay heshiis uu dhexdhexaadinayey Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo soo afjaray dagaal 44 maalmood socday ee u dhexeeyay Azerbaijan iyo Armenia oo ay kumanaan qof ku dhinteen dhammaadkii sannadkii 2020.

Durbaba markay dheceen iska iska hor imaadyadaan mandiqadda lagu muransan yahay ku dhex maray labada dhinac, ayaa waxay xukuumadda Armeniya qeylo dhaan u dirsatay waxa loogu yeero beesha caalamka, taas oo ay ka dalbatay in la joojiyo Tasarrufaatka cudwaaniga ah ee ay xukuumadda Aderbijaan ka wado Mandiqadda Nagorno-Karabakh waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Xukuumadda Armeniya waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay qaadaan tillaabooyin lagu joojinayo hab-dhaqanka gardarrada ah iyo ficillada gurracan ee dowladda Aderbaijan, ayna qaadaan tallaabo dhab oo xal looga gaarayo arrintaan," ayay hadal ay soo saartay ku tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Armeniya.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee dowladda Ruushka ayaa ku eedeysay xukuumadda Aderbaijan inay ku xad gudubtay xabbad joojinta gobolka Saribaba, iyadoo intaas ku dartay in ciidamadeeda la magac baxay nabad ilaalinta ee la geeyay gobolka ay ka shaqeynayaan soo celinta xasilloonida Mandiqadda.

Sodoo kale Midowga Yurub Afhayeen u hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Midowgaas,oo lagu magacaabo Josep Borrell, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, inay lagama maarmaan tahay in la joojiyo xiisadda, si buuxdana loo ixtiraamo xabbad joojinta, dibna loogu laabto miiska wada-xaajoodka si loo raadiyo xal wada-xaajood ah.

Dowladaha ay dirirtu ka dhexeyso ayaa helaya taageero uga imaaneysa dhinacyo kala duwan, waxaana Aderbijaan ay taageero ka heleysaa dowladda Turkiga, oo marka loo eego dhanka luuqadda iyo qowmiyaduba is xigaan, halka dowladda Armiiniya ay taageero ka heleyso dowladaha Ruushka iyo Iiraan.

Sannadkii 2020-ka waxaa labadaan dowladood dhex maray dagaallo qaraar oo sababay dhimashada kumannaan ruux oo labada dinac ah. iyo dhaawaca kumammaan kale, waxaana dagaalladaasi ku barakacay ku dhawaad 725,000 oo kasoo jeeda dalka Aderbijaan, iyo 500,000 oo iyagana kasoo jeeda Armeniya.

Marka la isku soo wada duubo, waxaa dagaalka ka dhexeeya wadamada Aderbijaan iyo Armiiniya uu noqonayaa dagaal u dhexeeya laba dowladood oo deris ah, waxaana Armiiniya ay horar ku tahay wadanka Aderbijaan, iyadoo dooneysa iney kala qeybiso, maadaama dadka halkaas ku nool ay yihiin dad Muslimiin ah

Related Items