Qamadiga Yukreyn waxmaka bedeli karaa sicir bararka cuntada adduunka? [Warbixin].

Thursday August 04, 2022 - 18:11:11
Liibaan Jeexoow
Tan iyo wixii ka dambeeyay heshiiskii ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, xiyaaradahana looga qaadayay xubuubka ku jira dekadda Odessa ee dalka Ukraine, ayaa waxaa maalintii shalay dekadda ka dhaqaaqay shexnadihii ugu horreeyay ee dhoofiya haruurka ku jira dekaddaas.
Masuuliyiin katirsan xukuumadda Kiev iyo dolwadda Turkiga ayaa waxay xaqiijiyeen in shixnadihii uu horreeyay ay maalintii shalay ka dhaqaaqeen dekadda, kuwaas oo u jeheystay dhanka dalka Lubnaan, tani ayaana noqoeysa dhoofintii ugu horreysay tan iyo wixii ka dameeyay duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Dhinacyo kala duwan ayaa soo dhaweeyay tallaabadaan xayiraadaha looga qaado xubuubka Ukraine, kadib muddo bilo ah oo uu inqidaac ku yimid dhoofinta, sababo ku aaddan dagaalka qaraar ee wali ka soconaya dalka Ukraine, xilli xukuumadda Washington ay shaacisay in xirmooyin cusub oo hub ay gaarsiin doonto xukuumadda Kiev.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay, in tallaabadaan oo ay ku tilmaamtay mid horey loo qaaday ay ku timid, xiriirka Turkiga uu la leeyahay wasiirrada iyo dhinacyada kala duwan ee ay khuseyso arrintaan.

Dhankiisa taliyaha guud ee ciidamada Ukraine ayaa xaqiijiyay tallaabada lagu fasaxay haruurka Ukraine, waxa uuna intaas ku daray iney socdaan go'aanno kale oo lagu doonayo iney dekadda kaga baxaan doonyo kale, kuwaas oo qaadaya haruurka ku xayiran dekadda Odessa ee dalka Ukraine.

Dhinacyada kala duwan ee isku haya dalka Ukraine ayaa tani u arka tallaabo wax ku ool ah oo hray loo qaaday, waxaana dadka sida aadka ah usoo dhaqeeyay kamid ah xukuumadda Kiev, iyo dowladaha reer galbeedka ee taageerada u fidinaya dowladdaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, ayaa ku tilmaamay ka bixista markabkii ugu horreeyay oo sida haruur laga soo raray dekedda Odessa, ka dib bilo ay go’doomiyeen Ruushka, inay tahay maalin nasasho u ah caalamka, gaar ahaan saaxiibada Ukraine ee Bariga Dhexe, Aasiya iyo Afrika.

War qoraal ah oo uu wasiirku soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu sidoo kale ku sheegay, in Ukraine ay ahaan doonto saaxiib la isku hallayn karo sidii ay ahaan jirtay, haddii uu Ruushku u hoggaansamo ilaalinta heshiiskii ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Aqalka Karmalinka ee loog arrimiyo dalka Ruushka ayaa isana ka hadlay arrintaan, wuxuuna sheegay inay tahay fursad wanaagsan oo lagu tijaabinayo hirgelinta heshiisyada Istanbul ku dhex maray iyaga iyo xukuumadda Kiev.

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa sheegay in Ruushku uu rajeynayo in uu fuliyo dhammaan heshiisyada la xiriira dhoofinta haruurka Ukraine nuucyadiisa kala duwan, waxaana uu xusay inay rajeynayaa in habka hirgelinta uu si hufan u shaqeyn doono.

Dowladda Turkiga oo iyadu gar wadeyn ka aheyd heshiiskii lagu saxiixay dhoofintaan ayaa si weyn usoo dhaweysay markabkii ugu horreeyay ee ka baxa dekadda, waxayna xukuumadda Ankara sheegtay in markaabkaan uu mari doono marinka Bosphorus Strait, halkaas oo shixnadiisa lagu baari doono, kadibna uu dhameystiri doono socdaalkiisa.

Wasiirka Difaaca Turkiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xaliyo arrinta daabulida badarka Ukraine iyo Ruushka, isagoo sheegay in wareejintooda ay muhiim u tahay badqabka cuntada adduunka, wuxuuna intaa ku daray in dhibaatada cunnada ee sii xumaaneysa ay horseedi karto tahriibayaal Afrikaan ah oo soo maraya dalka Turkiga si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sidoo kale sheegay in ka bixista markabka uu ku raran yahay haruur Yukreyn ay leedahay oo maantii shalay oo Isniin ah ka dhoofay dekedda Odessa, ay tahay guul weyn oo si wadajir ah oo loo gaaray, taas oo ku timid heshiiskii ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Guterres ayaa ka digay in dadka ku nool caalmka ay qarka u saaran yihiin macaluul daran, ayna u baahan yihiin heshiisyo wax ku ool ah si ay u badbaadaan, waxaana dowladaha soo dhaweeyay tallaabadaan sidoo kale kamid ah xukuumadda Washington.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa sii hurineysa colaadda ka taagan dalka Ukraine ee u dhexeysa xukuumadda Moscow iyo dowladda Ukraine, waxaana lagu soo waramayaa in xirmooyin cusub oo hub ah uu Mareykanku u gacan galinayo xukuumadda Kiev.

Washington waxay shaacisay in Ukraine ay udiri doonto hub cusub oo qiimaha ku kacay uu yahay 550 Milyan oo dollar, si loogu xoojiyo ciidamada Ukraine ee wajahaya dullaanka Ruushka, waxaana hubkaas ku jira sawaariikh casri ah, kuwaas oo loo adeegsan doono ka hortagga duullaanka Ruushka.
Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka John Kirby ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in kaalmadan loogu tala galay xukuumadda Kiev ay ku jiraan sawaariikhda loo yaqaano Hamiras, kuwaas oo ay dowladda Ukraine u adeegsan doonto iney isaga difaacdo duullaanka xukuumadda Moscow.

Wadarta guud qiimaha kaalmada milatari ee Maraykanku uu siiyay Ukraine tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa gaartay in ka badan 8 bilyan oo dollar, sida uu sheegay afhayeenka aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka.

Xukuumadda Washington oo xaliif dhaw la ah dowladda Ukraine ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay kordhisay, hubka nuucyadiisa kala duwan ee ay ugu deeqeyso dowladda Ukraine, oo ay ka mid yihiin hub casri ah, gaar ahaan sawaariikhda HIMARS, Harpoon iyo howitzer, waxaana hubkan uu qayb ka qaatay iska-caabbinta iyo hakinta duullaanka Ruushka oo socda tan iyo 24-kii bishii February ee lasoo dhaafay.

Dagaalka ka soconaya dalka Ukraine ayaa lugaha la galay bishii lixaad, waxaana inkastoo xayiraada laga qaaday dekadda Odessa aysan ka dhineen inuu joogsaday dagaalkii ka holcayay dalkaan, balse waxaa tani bar bar socda guluf colaadeed hor leh, dagaalkaan ayaana u muuqda mid aan dhamaad leheen, isagoona reebay azmad dhaqaale soo saameyn ku yeelatay caalamka.

Related Items