Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey lagu weeraray xero ciidan oo ku taalla deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay burbur baaxadleh iyo khasaare xooggan oo soo gaaray ciidankii xerada ku sugnaa
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadan weerarkan, iyadoo sheegtay inuu howlgalkan ahaa mid qorsheysan oo lagu beegsaday ciidamo duullaan ku ahaa ku dhaqanka shareecada Islaamka.
"Mujaahid Istish-haadi ah ayaa beegsaday ciidamo kamid ah kuwa ay cadawgu usoo carbiyeen la dagaalanka ku dhaqanka shareecada Islaamka ee dalkan Soomaaliya. Dhimashadu waa 19 askari, dhaawucuna waa 23 kale" Sidaas waxaa yiri Sh.C/casiis Abu Muscab, afhayeenka ciidamada Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin"
Afhayeenka ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawaca ay ku jiraan saraakiishii hogaaminaysay ciidamada.
"Taliyihii hogaaminayay ciidamadaas goobta ayuu ku halaagsamay, 3 sarkaal oo kale iyaguna dhimashada ayay ku jiraan" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Abu Muscab.
Sida ilo wareedyo u xaqiijiyeen Somalimemo Generaal Takar Subagle Furcas oo ahaa taliyaha guutada 18aad ee ciidanka Gorgor, ahaana taliyihii ciidanka la beegsaday ayaa kamid ahaa saraakiishii ku dhimatay weerarkaas isaga ah.
Generaalkan iyo guutada uu hogaaminayey ayaa laba bilood kahor laga soo sagootiyey wadanka Turkiga kadib markii ay tababar soo dhameysteen, waxaan lagu waday inay guluf ka dhan ah Shabaabul Mujaahidiin ka sameeyaan qeybo kamid ah gobolka Hiiraan, balse weerarkan ayaa ahaa weerar ka hortag ah oo dagaalyahanada Shabaabku dharbaaxada kala hormareen ciidanka.
ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka DFS oo ku aadan weerarka maanta lala eegtay ciidanka Gorgor ee lagu beegsaday xerada Kalabeyr.