Dowladda Itoobiya oo uyeertay Cabdicasiis Laftagareen iyo warar kale.

Saturday August 06, 2022 - 11:42:35
Liibaan Jeexoow
R/wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku qaabilay hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ee ka jira Soomaaliya.
Cabdicasiis Laftagareen iyo xubnno katirsan golihiisa wasiirrada ayaa shalay ka degay magaalada Baydhabo, safarka Laftagareen ayaa yimid maalin kadib markii ay xarunta gobolka Baay booqdeen Jeneraallo Itoobiyaan ah.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Laftagareen uu diyaarad melleteri ay ka qaadday Baydhabo wuxuuna gaaray Addis Ababa, socdaalka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay mid salka ku haysa isbedelka siyaasadeed ee Itoobiya ka damacsantahay Soomaaliya.

Waa markii ugu horraysay oo mid kamida hoggaamiyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya uu Itoobiya booqdo muddo 5 sana ah kadib.

Sanadadii uu Farmaajo xilka hayay ayuu Abiy Axmed kula heshiiyay in uusan soo dhowaysan madaxda maamul goboleedyada taas bedelkeena wixii ay Itoobiya uga baahantahay Soomaaliya uu isagu uqabanayo.

Dhinaca kale jeneraallo Itoobiyaan ah oo maalmahan socdaal ku marayay qaar katirsan magaalooyinka Soomaaliya ayaa maanta tegaya magaalada Garowe halkaas oo ay kulan kula qaadan doonaan Saciid Deni.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo taliyaha sirdoonka ciidanka Melleteriga Xabashida ayaa horay usoo booqday Beledweyne,Hargeysa iyo Baydhabo.

Related Items