Yahuudda oo duqeynaysa Ghaza iyo hoggaamiye katirsan Muqaawamada oo ladilay.

Saturday August 06, 2022 - 13:07:36
Liibaan Jeexoow
Dagaal culus ayaa markale ka dhax qarxay kooxaha muqaawamada Falasdiin iyo ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda.
Wararka ka imaanaya magaalada Ghaza ayaa sheegaya in ciidamada cirka Yahuudda ay sawaariikh culus ku garaacayaan xaafado dhowr ah oo dad shacab ah ay deganyihiin.

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeymaha bahalnimada leh ee ciidamada Yahuuddu ay ka geysteen xaafadaha dhaca waqooyiga magaalada Ghaza.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in dhaawacyo badan ladhigay isbitaallad, kooxaha Jihaadul Islaami ayaa sheegtay in ay si adag uga falcelinayso daandaansiga lagusoo qaaday, Saraayal Qudus ayaa iyana iclaamisay in ay sawaariikh culus ku weerartay magaalooyinka Yahuudda.

Duqeymahan ayaa yimid kadib markii diyaaradaha Yahuudda ay habeen hore waqooyiga magaalada Ghaza ku dileen Teysiir Aljacbari oo ahaa hoggaamiye Melleteri oo katirsanaa kooxaha muqaawamada gaar ahaan Saraayal Qudus.

Taliska ciidanka Yahuuda ayaa ku faanay dilka hoggaamiyahan kadibna xoogaga muqaawamada ayaa jawaab melleteri ka bixiyay.

Ururka Xammaas ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xaalad heegan buuxa ah lageliyay dhammaan dagaalyahannada ku sugan Ghaza ayna iska difaaci doonaan duullaanka Yahuuuda.

Related Items