Sarkaal in muddo ah lagu raadjoogay oo maanta Lagu khaarijiyey Muqdisho

Monday August 08, 2022 - 13:48:12
MeMO Staff
Dagaalyahano hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta magaalada Muqdisho ku khaarijiyey Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Cusmaan oo in muddo ah lagu raad joogay kuna lug lahaa fal dambiyeedyo kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan oo ku magacdheeraa Garas ayaa la sheegay inuu mas'uul ka ahaa dilka dhalinyaro tobanaan ah oo sanadihii 2011 ilaa 2012 lagu laayey magaalada Muqdisho xilligaas oo uu la shaqeynayey taliyihii sirdoonka gobolka Banaadir Khaliif Erig.

"Mujrimkan wuxuu ahaa dambiile in muddo ah lagu raad joogay, wuxuu laayey dad shacab ah iyo walaalo Mujaahidiin ah oo uu ku jiro walaalkeen Cabdi Majiid oo ka mid ahaa halyeeyadii ka howlgali jiray Muqdisho" Sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan Jihaazka amiga ee Shabaabul Mujahidiin.

"Ka taqalusidda ninkaas mujrimka ah wuxuu mar kale farriin cad u gudbinayaa saraakiisha cadawga, taas oo nuxurkeedu yahay in gacanta dheer ee Mujaahidiinta ay gaari doonto qof waliba maalin maalmaha kamid ah godob ka galay ummadaas Soomaaliyeed ee Muslimka ah " ayuu sii raaciyay sarkaalka ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin.

Ninkan oo darajadiisu ahayd gaashaanle sare kana tirsan sirdoonka DFS ayaa howlgalka lagu khaarijiyey waxaa uu ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, Iyadoo raggii howlgalka fuliyeyna ay si nabad ah goobta uga dhaqaaqeen.

Related Items