DEG DEG: 6 Jawaasiis ah oo Maanta Lagu Dilay Fagaare ku Yaalla Jilib

Tuesday August 09, 2022 - 20:50:52
MeMO Staff
Jawaasiis u shaqeynayey hay'adaha sirdoonka ee Mareykanka, Kenya Iyo Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.
Jawaasiistan oo tiradoodu dhan tahay ilaa 6 ruux ayaa mas'uul ka ahaa duqeymo kala duwan oo lagu beegsaday dagaalyahano Shabaab ah iyo dad shacab ah oo uu ku jiro agaasimihii hore ee shirkadda Hormuud xarunteeda degmada Jilib.

Qaadiga Maxkamada ayaa fagaaraha ka akhriyey dambiyada lagu soo oogay jawaasiistan iyo qiraalada ay bixiyeen, waxaana ugu dambeyntii goobta lagu toogtay jawaasiista lixda ahaa.

Related Items