Weeraro ka Dhacay Gobolka Wajeer xilli Wadanka ay ka Socoto Doorashada Madaxtinimo

Wednesday August 10, 2022 - 22:10:49
MeMO Staff
Qadax xooggan ayaa kolonyo katirsan ciidamada Kenya lagula beegsaday inta u dhexeysa deegaanka Kharso iyo degmada Qorof-Xaraar ee gobalka Wajeer.

Gaari Taaw ah oo ay wateen ciidamada Kenya ayuu haleelay qaraxa, kaas oo gebi ahaanba burburay islamarkaana wixii saarnaa ay dhimasho Iyo dhaawac noqdeen.

Dhanka kale, Faahfaahin ayaa laga helayaa weerar madaafiic ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen fariisin ay ciidamada Kenya ku leeyihiin degmada Qorof-Xaraar ee gobalka Wajeer.

Illaa 6 madfac ayaa gudaha u galay xerada ciidamada Kenya, waxaana ku dhaawacmay 4 askari, kuwaas oo ay dhaawacyadoodu qaaday diyaar helokobtar ah.


Related Items