Natiijada Doorashada Kenya oo Laga Cabsi Qabo Inuu Muran Ka Dhashay

Saturday August 13, 2022 - 14:45:47
MeMO Staff
Natiijada doorashada Kenya ayaanan ilaa hadda lagu dhawaaqin, waxaana saraakiisha gudiga doorashada ay sheegayaan in weli ay socoto tirinta, islamarkaana goordhow lagu dhawaaqi doono natiijada doorashada iyo cida guuleysatay.
Labada Hogaamiye ee kala ah William Ruto iyo Raila Odinga ayaa ah labada musharrax ee sida adag ugu tartamaya doorashada, waxaana lasoo tabinayaa inay waxyar oo kaliya ku kala sareeyaan.

Gudiga doorashada ayaa heysata muddo 7 maalmood ah si uu ugu dhawaaqo natiijada doorashada, waxaana ay sheegeen inay hadda weli socoto howsha tirinta codadka, natiijadana aanan lagu dhawaaqi karin ilaa gudiga uu ka iclaamiyo.

Guuddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa goor sii horeysay sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo ku aadan kala duwanaanshiyaha tirinta ee warbaahinta sameeyneyso balse natiijada kama dambeysta ah ay isku mid noqon doonto maadma ay hal meel ka soo xiganayaan isku darka codadka.

Related Items