Sidee Buu u Dhacay Weerarkii Lagu Qaaday Salmaan AlRushdi? [WARBIXIN]

Saturday August 13, 2022 - 14:50:06
MeMO Staff
Maalintii shalay waxaa dalka Mareykanka ka dhacay weerar Midniyeen ah oo lagu qaaday gaal lagu magacaabo Salmaan Rushdi, oo horay meel kaga dhacay cirdiga nabi maxamed SCW iyo diinta islaamka.

Inta aanan u guda galin jaraa’imta uu gaalkaan ku kacay waxaan sawir guud ka bixneynaa qaabka uu ku dhacay weerarka Mindieenta ah ee shalay ka dacay gudaha dalka Mareykanka, islamarkaana bartilmaameedkiisu uu ahaa ahaa Salmaan Rushdi.

Xilli uu kalimad ka jeedinayay howl weyn oo ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka, islamarkaana ay goobta buuxeen dad badan, ayaa waxaa ninkaan si geesinimo ku dheehan tahay mar qura mindi la dhacay nin ku sugnaa halka uu kalimadda ka jeedinayay gaal Salmaan Rushdi.

Illaa 15 toorrey ayaa la xaqiijiyay iney ku dhacday gaalkaan horay u aflagaadeeyay dinta islaamka, kuwaas oo badankoood ay kaga dhaceen qeybaha sare ee jirka gaar ahaanna qoorta, taas oo durbadiiba sababtay inuu dhulka ku dhaco islamarkaana uu wajayo xaalad khatar ah.

Intaasi kadib waxaa diyaarad helokobtar ah lagu qaaday Salmaan Rushdi oo dhaawaciisu ahaa mid aad u daran, isagoona la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Tan iyo xilligaas warar kala duwan ayaa kasoo baxayay xaaladda dhabta ah ee uu ku sugan gaalkaan meel kaga dhacay diinta islaamka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay xaqiijinayaan in xaaladdiisa caafimaad ay aad uliidato.

Gaalkaan ayaa horay si bareer ah u aflagaadeeyay diinta islaamka iyo nabi Maxamed SCW, sannadkii 1988-dii ayuuna qoray buug uu ku aflagaadeynayo diinta islaamka, islamarkaana uu meel kaga dhacayo cirdiga suubanaha SCW.

Wixii ka dambeeyay xilligaas dad badan oo muslimiin ah ayaa ku baraarugay gaalnimada ninkaan oo asal kasoo jeeda dalka Hindiya, balse heysta dhalashada Ingariiska, waxaana laga soo saaray fawaati dhowr ah oo qeexeysa inuu banaanka ka yahay diinta islaamka, islamarkaana uu dhiigu yahay mid hadur ah.

Dolwadda Ingariiska ayaa ninkaan usameysay ilaalo gaar ah, waxaana soo food saartay cabsi iyo qal qal xooggan, maadaama uu kasbaday carada malaayiin ruux oo muslimiin ah, kuwaas oo ku goodiyay iney khaarajin doonaan muxlidkaan.

Sannadkii 1991 waxaa weerar Minidyeen ah lagu dilay nin u dhashay dalka Jaban, kaas oo tarjumay kitaabka uu qoray gaalkaan hadda la dhaawcay ee uu ku aflagaadeynayay diinta islaamka.

Salmaan Rushdi oo uu dhulka qaadi waayay ayaa waxaa goor dambe ammaankiisa la wareegay Sirdonka dowladda Mareykanka, waxa uuna weerarkaan hadda dhacay bannaanka soo dhigay tabar darrida heysata laamaha ammaanka ee xukuumadda Washington.

Culimo badan oo ay ugu horreeyaan hurmuudka jihaadka, sida Sheykh Dr Ayman AdDawaahiri ayaa kalimaad kala duwan ka jeediyay gaalnimada ninkaan, iyagoona cadeeyay in dhiigiisu uu yahay mid hadur ah islamarkaana ay waajin tahay in lagu beegsado goob waliba oo lagu arko.

Gaalo badan uu ugu horreeyo Madaxweynaha Faransiiska ee ku caan baxay aflagaadeynta nabi Maxamed SCW ,ayaa si aad ah u cambaareeyay weerarkaan Mindiyeenta ah ee lagu beegsaday Mulxid Salmaan Rushdi, iyagoona muujiyay sida ay kaga xun yihiin, tilmaamayna in gaalkaan uu tusaale u ahaa waxay ugu yeeraan xurriyadda hadalka, oo dhigeysa in la afagaadeen karo diinta islaamka iyo nabi maxamed SCW.

Si kastaba ha ahaatee waxaa aad looga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee uu ku sugan yahay ninkaan ka xuub siimtay diinta islaamka, waxeyna wararku tilmaamayaan inuu ka dhacay hal il, islamarkaana ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen beerka iyo qeynaha sare ee jirkiisa, waxaana allaah SCW weydiisaneynaa in saacadaha soo socda uu soo afjarao nolosha xun ee Mulxidkaan u bareeray meel ka dhaca diinta islaamka.

XIGASHO: Radio Alfurqaan


Related Items