Dhacdo Naxdin leh Wiil Suuriyaan ah oo si yaab leh loogu dilay dalka Turkiga [Warbixin].

Tuesday September 06, 2022 - 21:25:51
Liibaan Jeexoow
Wadanka Turkiga oo deris la ah Suuriya, kuna noolyihiin malaayiin ruux oo Suuriyaan ah waxaa ka dhacday arin naxdin badan, taasoo ah in six un halkaas loogu diley wiil suuriyaan ah oo 17 jir ah.
Falkan naxdinta leh ee lagu diley wiilka Suuriyaanka ah waxaa geystey tiro dhalinyaro Turkiyaan ah, kuwaasoo ku sugnaa gobolka Haataay ee koonfuta wadanka, falkan foosha xun ayaana dhacay gelinkii dambe ee maalintii Sabtida ee aynu soo dhaafnay.

Faaris Al-Caliy oo ah wiilka dhalinyarada ah ee sida xun loogu diley Turkiga ayaa waxaa qabtay dhalinyaro Turki ah, xilli uu kasoo baxayay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala meel u dhow magaalada Andhaakiyah.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxay yihiin dadka diley wiilka dhalinyarada ah, hadana qoysaska Faaris waxay tilmaameen in dhalinyarada dilka u geystey wiilkooda ay dhashey haweeney Turki ah, oo ay Faaris isku meel ka wada shaqeynayeen.

Muxamad Sarxiil oo ah naashid Suuriyaan ah, kuna sugan wadanka Turkiga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka wuxuu ku sheegay isagoo soo xiganaya qoyska Faaris, in wiilkan da’da yar uu saddex maalin kahor dhacdada lagu diley ka howl billaabay dukaan lagu iibiyo cuntooyinka, maalinkii saddexaad ee shaqada ayuuna ku dhacay haweeney Turki ah oo goobta ka shaqeysa, hase yeeshee wuu u cudur daartey, arintiina waxay ku dhamaatay si nabad ah.

Maalintii ku xigtay dhacdada, waxaa Faaris qabtay 4 ruux oo dhalinyaro Turki ah, iyagoo waydiiyay magaciis, sidoo kalena ka hubsaday inuu yahay qofkii ku dhacay haweeneyda Turkida ah, markii uu u xaqiijiyay in isagu yahay ayayna ka leexiyeen wadadii ay ku xirnaayeen kaamirooyinka muraaqabada, toorrey ayayna dhowr jeer la dheceen, taasoo keentey in durba uu goobta ku geeriyoodo Faaris.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Haataay ee koonfurta dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in laamaha ammaanku ay gacanta ku dhigeen qofka geystey jariimada lagu dilay wiilkan dhalinyarada ah, oo laftiisu da’diisu tahay 16 sano, iyo labo wiil oo dhalinyaro ah oo ku saaciday jariimada, waxaana loo gudbiyay hay’adaha garsoorka sida lagu xaqiijiyay bayaanka.

Faaris Al-Cali ayaa kasoo jeeda mid kamid ah tuulooyinka hoostaga magaalada Ariixa ee gobolka Idlib wuqooyiga Suuriya, isaga iyo qoyskiisa ayaana u baxsaday Turkiga sagaal sano kahor, kadib markii duqeyn uu fuliyay nidaamka Nuseyriyada lagu dilay aabaha qoyska.

Wuxuu hadda ahaa ardey jaamacadeed oo dhigta kulliyada caafimaadka, isagoo filayay inuu ugu dambeyn noqdo qof saacida qoyskiisa iyo guud ahaan reer Suuriya oo wajahaya dhibaato adag, xilli ay ku jiraan kacdoon jihaadi ah oo jirsaday inkabadan 10 sano.

Inkastoo warbaahinta dalka Turkiga ay ka gaabsadeen iney baahiyaan dhacdada iyo tafaasiisha jariimada, hadana barta Twitterka ayaa ahayd goobta sida aadka ah loogu daabacay dhacdadan, dadka qoraallada soo dhigayay ayaana tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in nolosha wiil maskiin oo agoonimo kusoo korey lagu soo khatimo qaabkan foosha xun.

Dadka qoraalalda soo qorayay waxay axsaabta siyaasadeed ee dalka Turkiga dusha kaga tuureen masuuliyadda dhacdadan foosha xun ee lagu dilay Faaris, maadaama mudooyinkii dambe ay aad usoo badanayeen hadallada ku saleysan neceybka quxootiga Suuriyaanka ah ee ay jeedinayaan siyaasiyiintaas, iyagoo dhiiragelinayay in muslimiinta Suuriya laga saaro Turkiga oo si qasab ah loogu celiyo dalkii ay kasoo cararareen.

Ozlam Dooghaan oo ah wariyad Turki ah ayaa qoraal ay soo dhigtey barta Twitterka waxay ku sheegtay in cunsuriyadda aysan ahayn fakar, dadka ka dambeeyay dilka Faaris Al-Calina ay ku saamoobeen hadallada uu jeedinayay siyaasiga Ozdag iyo kuwa lamidka ah, oo mudooyinkii u dambeeyay ku baaqayay in Suuriyaanka laga saaro dalka Turkiga.

Tashiitiin Aldamir oo mustashaar xaga arimaha bulshada ah ayaa qoraal uu soo dhigay barta Internetka wuxuu ku sheegay in wiilkan da’da yar ee lagu magacaabo Faaris, toorreydana lagu dilay uu ahaa riyooyin iyo hammi ballaaran oo xaga mustaqbalka, muda kahorna uu u yimid isagoo kala tashanaya kulliyada munaasabka ku ah inuu barto.

" Maantana waxaa la Ii keeney warka la xiriira dilkiisa, kaidb markii uu la kulmey weerar liita, kuwa dilana waxaan leeyahay barwaaqo Alle idin kuma tuso guryihiina, waxaad nolosha dhaafsiiseen caruur lamid ah ubaxyada” ayuu yiri ninkaan Turkiga ah ee qoraalka kaga hadlay wiilka Suuriyaanka ah ee dalka Turkiga sida xun loogu diley.

Tallaabada foosha xun ee lagu dilay wiilkan dhalinyarada ah ee lagu magacaabo Faaris AL-Cali ma ahan tallaabadii ugu horeysay oo noocaan ah, taasoo lagu dilo dad Suuriyaan ah oo ku sugan wadanka Turkiga.

Dhawaan, magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga waxaa dhalinyaro Turki ah ku dileen wiil dhalinyaro ah oo lagu amgacaabo Shariif KHaalid Al-axmad, kaasoo dilkiisa loo adeegsaday toorrey.

Marka lag asoo tago dilka bareerka ah, waxaa joogto ah xadgudbyada loo geysto qeybaha kala duwan ee bulshada Suuriyaanka ah ee kunool Turkiga, bilo kahor waxaa baraha Internetka ku baahay muuqaal muujinaya nin dhalinyaro ah oo ku xadgudbay hooyo waayeel ah oo kasoo jeeda dalka Suuriya.

Inkastoo si guud shacabka Turkiga uu yahay shacab muslim ah, aadna usoo dhaweeyey walaalhooda Suuriyaanka ah, hadana waxaa jira dadyow aan dhaqan iyo diin toona lahayn, oo muslimiinta dalkaas yimid u arka ajaanib ay tahay iney isaga guuraan dalka Turkiga.

Dadka noocaas ah waxaa afkaartaas ka dhaadhiciyay siyaasiyiin kamid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira oo uu kmaid yahay xisbiga talada haya ee uu hogaamiyo Ordogan.

Diinta Islaamka ayaa muslimiinta ka dhigtey hal jasad ooo keliya, mana aqoonsana xuduudaha iyo isbaarooyinka lagu kala jarey muslimiinta, taasoo ka dhigeysa in muslimka jooga Turkiga aanu garab istaagin walaalkiisa Suuriya lagu dhibaateynayo, taaas bedelkeeda diinta Islaamka waxay jideysay oo ay dhiiragelisya walaaltinimada Islaamka, taasoo ka sareysa walaaltinimada nasabka iyo mida dhulka.

Related Items