Weerarada Xagga Internetka ah ee beegsanaya maamulka Yahuudda oo aad u kordhaya [Warbixin].

Wednesday September 07, 2022 - 19:17:14
Liibaan Jeexoow
Maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka muslimka ah ee Filastiin ayaa wajahaya culeesyo amni oo dhinacyo badan leh, kaasoo ay kamid tahay culeels xaga Intenetka ah, maadaama ay soo baxeen rag aqoon u leh weerarada xaga Internetka ah oo u dhacaya xogaha iyo macluumaadka laamaha kala duwan ee maamulka Yahuuda.
Jihooyin qarsoon oo aan xogahooda la heynin, islaamrkaana la ogeyn cida ay yihiin ayaa si xiriir ah waxay u wadaan weeraro ay ku beegsanayaan xogaha Yahuudda, waxaana maamulka Yahuudda uu si cad u sheegey inuu u taag waayo ka hortagga kooxdaas.

Bayaan kasoo baxay wasaaaradda arimaha dibadda ee maamulka Yahuudda ayaa lagu sheegy in koox isticmaasha Internetka oo xog doon ah ay jabsadeen macluumaadka shakshiga ah 30kun oo ruux oo Yahuud ah, kuwaasoo isuga jira ardey, macallimiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida uu tilmaamayo webka I24 ee laga leeyahay dhulka Yahuudu xooga ku heystaan, xogaha la jabsaday waxay isuug jiraan macluumaad la xiriira magaca saddexan ee qofka, xaaladiisa nololeed, nambarka ID-carkiisa iyo xitaa basworrada accountyada bankiga, taasoo halis gelin karto noloshooda ama xitaa dhaqaalahooda.

Mu’assaso waxbarasho oo ay Yahuuddu leeyihiin, icitmaadana waxbarashada xaga Internetka ayaa war ay soo saartey waxay ku sheegtay iney dareemeyso astaamo muujinaya in goobta lagu kulmiyo ardeyda ay usoo dheceen rag wax jabsada, islamarkaana ay qaataan xogaha ardeyda iyo macallimiinta.

" Waxaan kaashaneynaa mu’assasaatka howshoodu tahay arimaha Intenetka, waxaana bixineynaa dhamaan dadaaladiina si aan xal ugu helno xaaladda na heysata” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo mu’assada tacliimiga ah ee maamulka Yahuudda.

Shirkadda Check Point oo ah shirkad qaabilsan arimaha amniga Internetka ayaa war ay soo saartey waxay dhankeeda ku sheegtay in waayadii u dambeeyay ay soo badanayeen weerarada lagu qaadayo dhinacyo Yahuudda taabacsan, weeraradaas oo ay qaadayaan dad Filastiiniyiin ah ama dad taageera Iiraan, kuwaasoo adeegsanaya barta Telegramka.

Kooda jabsatey ciwaanka mu’assasada waxbarasho ee Yahuudu leeyihiin ayaa baahiyay bayaan ku qoran luuqadda cibriyada, waxayna sheegeen in maamulka Yahuuddu ka gaabiyay xuquuqda macallimiinta, arintaas ayaana loo micneeyay mid la isaga hor keenayo maamulka Yahuudda iyo dadkiisa.

Keliya maahan mu’assasaatka tacliimiga ah kuwa la jabsado, balse mu’assasaatka milliteriga iyo kuwa amniga ee Yahuudda ayaa la kulmaya weeraro isdaba jooga ah oo lagu jabsanayo xogahooda, islamarkaana lagu qalqal gelinayo amniga Yahuudda.

Warbaahinno ay Yahuuddu leeyihiin ayaa daabacay warbixino ku saabsan in kooxo Iiraan taabacsan oo adeegsad Internetka ay u duseen xogaha taliyaah sirdoonka Yahuudda, iyagoo adeegsanaya softawarro virus ah oo lagu jabsado xogaha dadka.

Website viizaha laga goosto oo ay Yahuuddu leeyihin ayaa dhawaan loo dhacay, waxaana kooxaha jabsaday ay qaateen xogaha iyo macluumaadka 300 oo kun oo ruux oo Yahuud ah, sida ay tilmaameen warbaahinta maamulka Yahuudda.

Baare lagu magacaabo Cammaad Abuu Cawaad ayaa tilmaamaya in maamulka Yahuudda uu xaaliyan wajahayo culeesyo dhan weliba leh, oo aan ku ekeyn weerar caskari oo keliya, isagoo tilmaamay in hadda ay joogto yihiin weerarada xaga internetka ah ee lagu beegsanayo Yahuudda.

" Yahuuddu waxay hadda dareemayaan iney wajahayaan weeraro is xig xiga, oo aan ahayn keliya iska caabin milliteri, ama weeraro keligii duulnimo oo kelya, balse waxaa jira iska caabin dhinacyo badan oo kala duwan, taasoo ka imaaneysa goobo kala gedisan islamarkaana lagu wajahayo Yahuudda” ayuu leeyahay Abuu Cawaad.

Cabsida ugu weyn ee ay muujinayaan Yahuuddu waxay tahay in sanadihii dambe aad usii xoogeysanayaan weerarda lagu doonayo in lagu beegsado masaalixda Yahuudda. " mushkiladda ugu weyn ee ay dareemeyso Yahuudda waxay tahay in xaaladdu ay soo karaar jabsatey, hadana ay jiraan dhinacyo tiro badan oo isku howley iney waxyeello gaarsiiyaan Yahuudda, ama xitaa ka saaraan wujuudka oo ay kala wareegaan dhulka ay xooga ku heystaan” ayuu leeyahay baarahan filastiiniga ah ee ka faallooda arimaha maamulka Yahuudda.

Guutooyin u dhisan sida ciidamada ayay dhiseen Yahuudda, kuwaasoo howshoodu tahay iney ka hortagaan weerarada xaga Internetka ah ee lagu soo qaado, laakiin waxaa muuqaneysa iney ku fashilmeen howshaas, welina aaaney awood u lahayn iney fashiliyaan weerarada xaga Internetka ah ee lagu soo qaadayo hay’adaha maamul ee Yahuudda uga dhisan dhulka Filastiin.

Mar weliba oo ay Yahuuddu la kulmaan weeraro xaga Internetka ah, waxay tilmaamaan iney qaadeen tallaabooyin xoogan oo damaanad qaadi kara inaaney soo noqon weeraro kuwaas lamid ah, hase yeeshee waaqica ayaa beeninaya oo waxaa hadda caadi ka noqday dhulka Yahuudu xooga ku heystaan in weerar xaga Internetka ah lagu qaado hay’adaha maamulka, xogahoodana banaanka lasoo dhigo.

" Waxaa muuqaneysa in maalin weliba ay sii xoogeysanayaan weerarada xaga Internetka ah, Yahuuduna waxay tilmaamaan iney qaadaan tallaabooyinka laazimka ah ee looga horatgi karo weerarada, marka waxaan aragnaa in weerarada xaga Internetka ay markan noqdeen qeyb aas-aasi ah oo kamid ah dagaalka u dhexeeya Yahuudda iyo reer Filastiin” ayuu leeyahay Cammaad Abuu Cawaad oo ah baare Filastiini ah, kana faalooda arimaha maamulka Yahuudda.

Xarakada Xammaas oo kamid ah kooxaha muqaawamada Filastiin, dagaalkana kula jirta Yahuudda ayaa dhankeeda waxay marar badan fulisay weeraro xaga Internetka, kaasoo ay ku beegsaneyso jamhuurka Yahuudda iyo xitaa ciidamada.

Iyadoo la adeegsanayo virusyo ayay kooxaha Muqaawamadu heleen nambarada gacanta ee ay wataan badi ciidamada Yahuudda , waxaana markaas kadib barahooda whatsasppka loogu direy fariimo ku qoran luuqadda cirbriyada, taasoo lagu handadayo, ama loogu goodinayo in isagoo nool gacanta lagu dhigi doono, arintaas ayaana argagax adag gelisay ciidamo badan, qaarkoodna waxayba ku qasbanaadeen iney shaqada ka rukhseystaan.

Waxay sidoo kale reer Filastiin iyagoo dareemaya halista xaga Internetka ah ay aqoonyahanno Filastiiniyin ah howl geliyaan website lagu magacaabo Al-Majdi, oo bixiya wacyi gelinno xaga amniga Internetka la xiriira, kaasoo si maalinle ah u daabaca taloooyin amni iyo digniino ku socda shacabka reer Filastiin iyo guud ahaan akhristayaasha kala socda daafaha caalamka.

Maamulka Yahuuda ayaa dhankiisa horey wuxuu u dhisay shirkado badan oo farsameeya softawarro wax lagu jabsado, dalal badan oo katirsan caalamka iyo shakhsiyaad ayaa horey uga cawday in xogahooda lagu dhacay iyadoo la adeegsanayo applicationno virus ah oo ay farsameyayaan shirkadaha Yahuudda.

Shirkadaha Yahuuddu leeyihiin ee aadka looga cawado waxaa kamid ah shirkadda NSO, oo hadda wajaheysa xaalado culus, kuna dhow iney gebi ahaanba ka baxdo suuqa shaqada, sababo ku aadan xanibaado lagu soo rogay iyo cadaawad badan oo ay kasbatay.

Shirkadda NSO, waa shirkad uu leeyahay maamulka Yahuudda, waxay farsameysaa virus loogu magacdaray Begasus, kaasoo loo adeegsado jabshada mobile-da gacanta, computer-rada, iyo qalabyada electorniga, waxayna ku lug yeelatay shirkadan falal noocaas ah oo loogu dhacay xogaha dowlado, shirkado iyo shakhsiyaad isuga jira siyaasiyiin, ganacsato iyo dad caadi ah.

Dowlado badan iyo shirkado dhowr ah ayaa dacwado ka gudbiyay shirkadda NSO, iyagoo ku dacweynaya in barnaamij virus oo ay sameysay lagu soo weeraray, dowladda Maraykanka ayaana shirkaddan waxay ku dartey liiska madow, taasoo ku riixday NSO iney ku dhawaaqdo dib u habeyn ballaaran oo lagu sameynayo shaqadeeda, si ay uga baaqsato burbur iyo iney shirkadu musalafto.

Shirkaddan Yahuuddu leedahay ayaa lagu leeyahay deymo farabadan oo gaaraya 500 oo milyan oo dollar, wayna awoodi la’dahay iney iska guto, xilli weliba ay sumcaddii ay ku lahady suuqyada caalamka hoos u dhacday, sababo ku aadan iyadoo ku lug yeelatey tallaabooyink lagu xaday macluumaadka dowlado ama shirkado, iyo xitaa gacan gelinta ama qabashada shakhsiyaad ay dowladooda doon doonayeen.

Mid kamId ah culeesyada waaweyn ee hadda soo wajahay shirkadda NSO waxay tahay iyadoo dowladda Maraykanka ay ku dartey liiska madow, halka wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka Yahuudana ay culeesyo xaga shaqada ah saartey shirkadan, maadaama Viruska ay soo saartey xitaa loo adeegsaday in lagu jabsado shakhsiyaad maamulka Yahuudda xilal kasoo qabtey, iyadoo ka mamnuucday in viruska Begasus ka iibiso tobanaan dowladood oo katirsan caalamka.

Warbixin uu daabacay wargeyska Kalakist ee Yahuuddu leedahay, kana faalooda arimaha dhaqaalaha ayaa lagu sheegay in maamulaha guud ee shirkadda NSO, Shalif ahna mid kamid ahaas-aasayaasheeda ayaa iska casiley xilka madaxtinmada, isagoo raadinaya inuu helo dhinacyo shirko kula noqda shirkadda, ama ugu yaraan in la helo xal horseedi kara in shirkaddu xaarato dhabbe cusub oo ka duwan kan lagu bartey ee ah u dusidda xogaha dadka kale.

Yaaroon Shooxaadh ayaa qabanaya xilka madaxtnimada ee shirkadda NSO, wuxuuna masul ka noqon doonaa dib u habeynta shuruucda shaqada iyo isbedello waaweyn oo lagu sameyn doono qaabkii shaqada, iyadoo shaqaale badanna shaqaada laga eryi doono, si horudhac ahna waxay shirkadda shaqada uga fasaxday 100 kamid ah shaqaalaha NSO oo tiradoodu gaarto 750 ruux.

Virus-yada ay farsameeyaan shirikaatka Yahuuddu leeyihiin waxaa adeegsada inta badan dowladaha cadaadiya bulshooyinka ay maamulaan, una badan wadamada Africa iyo dowladaha carabta.

Dhawaan, warbixin soo baxday waxaa lagu ogaaday in shirkad Yahuudu leeyihiin ay dowladda Uganda ka iibisay virus lagu jabsado bassworrada ku xiran teleefannada gacanta, taasoo ay adeegsadaan ciidamada booliiska Uganda, hor seedeyna in dad badan jirdil iyo gabood fallo looo geysto.

Yusuuf Siwaaniyaana, oo ah madaxa technologyada xogaha iyo isgaarsiinta ee booliiska dalka Uganda ayaa warbaahinta qaar wuxuu u sheegay in booliiska dalkaas ay oo soo iibsadeen qalab loo isticmaalo karo jabsashada mobeillada, hase ahaate wuxuu sheegay inaan haanta la isticmaalin, sida uu tilmaamayo website-ka Monitor.

Shirkad lagu magacaabo Celibrite, oo laga leeyahay dhulka ay Yahuuddu xooga ku heystaan ayay booliiska Uganda kasoo iibsadeen qalabkan lagu jabsado mobillada, shirkadda ayaana si rasmi ah u sheegtay in qalabkaas ay ka iibisay dowladda Uganda, wax kala gadashadaasna ay tahay mid sharci ah, oo aaney jirin cid lagu waxyeeleyn karo.

Masuuliyiin katirsan shirkadda ayaa la hadlay wargeyska Harts ee kasoo baxa dhulka maamulka Yahuuddu xooga ku heysto ee Filastiin, waxaana application-ka ay ka gadeen lagu magacaabaa UFID, kaasoo awoodda in lagu jebiyo mobeillada xiran, si fududna looga qaato xogaha ku keydsan.

Mucaaradka dalka Uganda, xubnaha hay’adaha sheegta xuquuqda Aadanaha iyo wariyaasha ka howlgala dalka Uganda ayaa walaac adag ka muujiyay macluumadkan xaqiijinaya in booliiska Uganda uu soo iibsaday qalabyo casri ah oo lagu jabsado mobile-da, waxayna dhinacyadan walaacooda la xiriiraa in booliisku u adeegsado qalabkan inuu u dusho xogaha qarsoon ee ay leeyihiin, ama xitaa howlaha ka dhanka ah dowladda ee ay dhici karto iney ku howlanyihiin shakhsiyaadkaas.

Looyar Yahuudi ah oo ku sugan dhulka ay xooga ku heystaan Yahuudd ayaa warqad dheer wuxuu u qoray wasaaradda dagaalka ee Yahuudda iyo shirkadda sameysay barnaamijkan lagu jabsado teleefannada, wuxuuna kala hadlay halisyada la xiriira in barnaamijkaas lagu dhibaateeyo mucaaradka Uganda, hay’adaha xuquuqda Aadanaha iyo wariyaasha sameeya barnaamijyada dabagalka ah oo aysan jecleyn dowladda uu hogaamiyo baaderiga Yuweri Muzeveni.

Marka laga soo tago furimaha milliteirga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaa jira furimo kale oo aan ka yareyn kuwaas, xilligan la joogana dowladaha caalamka iyo shirkadaha waaweyn ay xooga saarayaan iney ku hormaraan, waana furinta Technology-yada ballaaran, si gaar ah waxa loo yaqaano CYBER SECURITY.

Related Items