William Ruto oo sheegay in uu wadashaqeyn layeelan doono Xasan Gurguurte.

Thursday September 08, 2022 - 11:54:49
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha cusub ee dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqay in uu wanaajin doono xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.
William Ruto oo wareysi siinayay shabakadad CNN ayaa sheegay in uu sare uqaadi doono xiriirka kala dhaxeeyo DF-ka islamarkana uu wada shaqeyn dhow layeelan doono Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoggaamiyaha cusub ee Kenya ayaa umuuqda in dowladdiisu ay halkeedi kasii wadayso lashaqeynta Xasan Gurguurte oo markii ladoortay qaaday tallaabooyin lacago boqolaal milyan oo dollar ah ay bil walba ku helayaan shacabka Kenya waana go'aankii uu ku fasaxay maandooriyaha Khaatka.

Uhuru Kenyatta ayaa larumeysanyahay in uu William Ruto kala dardaarmay arrinta Xasan Sheekh oo Kenyaatiga u ah dabadhilif masaalixdooda ka shaqeeya.

Related Items