Guuldarradii ugu weyneed oo ciidamada Ruushka lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda dalka Yukreyn [Warbixin].

Tuesday September 13, 2022 - 12:54:36
Liibaan Jeexoow
Dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dalka Ukraine ayaa dhaliyay in dharbaaxo kulul la gaarsiiyo ciidamada dalka Ruushka ee duulaanka ku joogay halkaas, iyadoo ciidamada Ukraine ay gacanta kusoo dhigeen magaalooyin waaweyn.
Madaxweynaha dalka Ukraine Zalansky ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha Internetka wuxuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guulaha ay gaareen ciidankiisa, isagoona intaa ku darey iney dib ula wareegeen masaafo dhan 6000 oo km oo afar geesood ah, kana mid ah magaalooyinkii iyo deegaannadii ay horey ula wareegeen ciidamada Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine oo maalin weliba la hadla shacabkiisa, fariimo muuqaal ahna soo dhiga baraha Internetka tan iyo markii uu dagaalku billowday ayaa sheegay in guulaha ay ciidamadiisu gaareen ay kaalin libaax leh ka qaateen saddex guuto oo katirsan ciidamada dalka, kuwaasoo magacyadooda uu xusey.

" Waxaan sii wadi doonnaa horusocodka iyo taqadumka” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine Zalansky isagoo sheegay in ciidamada Ruushka uu gaarey jab qaraar, sida muuqatana ay waayeen isku xirnaanta dhexdooda ah taasoo fududeysay in lagu jebiyo dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay wadanak Ukraine.

Ciidamada Ruushka ee ka baxay magaalooyin dhowr ah oo katirsan dalka Ukraine ayaa lagu soo waramayaa in qaarkood ay dib ugu laabteen wadanka Ruushka, sida uu tilmaamay sarkaal ameerikaan ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sarkaalka Ameerikaanka ah wuxuu intaas ku darey in marka la fiiriyo go’aanka ay ciidamada Ruushka uga baxeen magaalooyin kamid ah Ukraine uu muujinayo habacsanaan gudaha iyo isku dhex yaac dhexdooda ah, tusaalaha arinkaas loo soo qaadan karana waxaa kamid ah in saanado millitri oo badan oo ay gawaarida gaashaman ku jiraan ay ciidamada Ruushka ka tageen.

Marka laga hadlo macnawiyaatka ciidamada Ruushka oo ah mid hoos u dhacay iyo gurmadka lojistikada ah oo sidii la rabay aanu usoo gaareynin ayaa kaalin ku lahaa in ciidamada Ruushku ka insixaabaan magaalooyin muhiim ah oo katirsan wadanka Ukraine.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Maraykanka Antony Blinkin ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda dalka Maxico, wuxuu ku sheegay in weerarka rogaal celinta ee ay qaadeen ciidamda Ukraine uu kujiro maalmihiisaa koowaad, sidaasoo ay tahayna uu horseeday guulo waaweyn oo xaga fagaaraha ah.

Wuxuu muujiayy in dowladda Maraykanak ay si dadban ugu jirto dagaalka ka socda Ukraine " ciidamada Ukraine tallaabooyinka ay qaadeen si wanaagsan ayaa loo qorsheeyey, runtiina waxay ka faa’ideysteen taageerada weyn ee uu uga imaaneysa Maraykanka iyo dowladaha kale” ayuu yiri xoghyaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka Antony Blinkin.

Ciidamada Ukraine ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ay dib ugu qabsanayaan magaalooyinka ay ciidamada Ruushka xooga ku heystaan, todobaadkii lasoo dhaafay ayayna ciidamada Ukraine gaareen guulo muqda marka laga hadlo la wareegitaanka magaalooyin waaweyn oo kamid ah dalka.

Magaalooyinka ay la wareegeen ayaa qaarkood dhaca wuqooyi bari dalka, gaar ahaan gobolka Kharkiif, halka qaarkoodna ay ku yaalaan mandiqadda Khersoon ee koonfurta dalka, una dhow jaziiradda Al-Qaram, iyo sidoo kale deegaanno katirsna bariga dalka oo ay gacanta ku hayaan kooxaha gooni u goosadka ah ee taageerada ka helaya Ruushka.

Dowladda Ruushka illaa iyo hadda dhankeeda tafsiir cad oo muuqda kama bixin tallaabada ciidankeeda ay uga baxeen deegaanno iyo magaalooyin katirsan dalka Ukraine, walow markii hore ay ku tilmaameen iney tahay tallaabo dib u habeyn loogu sameynayo ciidamada duulaanka ku jooga Ukraine.
Maamulka Ruushka taabacsan ee ka dhisan gudaha Ukraine ayaa tilmaamay in ciidamada weerarka kusoo qaaday Kharkiif ee katirsan dowladda Ukraine ay 8 jeer ku jibaarmaan ciidamada halkaas joogey, taasina ay keentey in ciidamada Ruushka ay deegaanka kasoo baxaan iyadoo aanu dagaal badan qabsan.

Wasaaradda arimaha dgaalka ee Ruushka war ay soo saartey waxay ku sheegtay in duqeyn xoogan oo ay ka fuliyeen magaalooyin katirsan gobolka Kharkiif ay ku dileen 250 askari, muuqaalo muujinaya diyaarado duqeymo geysanaya ayayna wasaaraddu baraha ay ku leedahay Internetka soo gelisay.
Bayaan kasoo baxay aqalka looga taliyo dalka Ruushka ee Karmalin ayaa lagu sheegay inaaney waqti xaaligan suuragal ahayn in wadahadal lala galo dowladda Ukraine, maadaama ay sheegtay in duruufaha ka jira meydaanka aaney saamaxeynin, taasoo dabcan loola jeedo tallaabada ciidamada Ruushka uga baxeen magaalooyin horleh.

Xillibaan katirsan golaha dalka Ukraine ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in mandiqadda Kharkiif aaney ahmiyad gooni ah u lahayn ciidamada Ruushka ee jooga dalkaas, sidaas darteedna ka bixitaankeeda aanu wax badan ka bedeli doonin dagaalka, isagoona shaki geliyay wararka tilmaamaya in ciidamada Ukraine ay la wareegeen dhul badan oo katirsan Kharkiif.

Xohaye katirsan golaha amniga ee dlka Ruushka ayaa dhankiisa wuxuu tilmaamay in dowlado ay kamid yihiin Maraykanka ay dadaal dheeri ah ku bixinayaan iney dheereeyeen waqtiga uu qaadanayo dagaalka Ruushak ee Ukraine, iyagoo hub farabadan siinaya dhanka Ukraine.

Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Ruushka ee Ukraine wuxuu taageero u badan xaga hubka la garab taagnaa dowladda Ukraine, u qeybsanaha arimaha dibadda ee midowga Yurub ayaana Khadka teleefanka wuxuu kula hadlay dhigiisa Ukraine, isagoona ku dhirgaeliyay horumarada ay ku tallaabsadeen ciidamada dalkaas.

Masuulkan katirsan midowga Yurub ayaa tilmaamay in dowrkooda uu yahay in taageero milliteri la siiyo Ukraine, sidoo kalena cadaadis xoogan oo xaga cunaqabateynnada ah lagu soo rogo Ruushka, iyadoo la taageerayo xulafada midowga Yurub ee guud ahaan caalamka, arimahaasna ay sii wadi doonaan.

Warbixin uu baahiayy wargeyska World Street Journal ayaa wuxuu ku sheegay in dowladda Ukraine ay isku diyaarineyso dagaal musatqbalka fog ay la gasho dowladda Ruushka, Maraykanka iyo xulafadiisa ayayna ka codsatey in lagu taageero nidaamyo sawaariikh oo rida dheer, oo uu kamid yahay gantaalka loogu magacdaray ATACMS kaasoo gaara masaafo dhan 190 mile.

Hase yeeshee madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa arinkaas diiday sababo ku aadan cabsi uu kaqabo in Ukraine ay u adeegsato iney ku garaacdo gudaha dalka Ruushak, taasoo hurin karta siraac dhexmara Ruushka iyo reer galbeedka.

Related Items