10 qof Itoobiyaan ah oo ku dhintay duqeyn ka dhacday magaalada Maqalla.

Wednesday September 14, 2022 - 22:04:27
Liibaan Jeexoow
qof ku dhaawacmay mid kamida duqeymaha Maqalla
qof ku dhaawacmay mid kamida duqeymaha Maqalla
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay duqeymo laayaan ah oo markale ka dhacay mid kamida magaalooyinka ugu waaweyn waqooyiga dalka itoobiya.
Wararka ka imaanaya gobolka Tigray ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo aan loo meel dayin ka geysteen magaalada Maqalla ee caasimadda Ismaamulka Tigreega.

Agaasimaha Isbitaalka guud ee magaalada Maqalla ayaa warbaahinta usheegay in ugu yaraan 10 qof ay dhinteen halka labaatameeyo kale ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii ay diyaarad Drones ah duqeyn culus ka geysatay bartamaha magaalada.

Khasaaraha ugu daran ayaa dhacay kadib markii duqeyn labaad lagu beegsaday dad isugusoo xoomay dad ku waxyeelloobay duqeyntii 1aad.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta usheegay in diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ay muddo saacada ah dul heehaabaysay magaalada Maqalla ka hor intii aysan duqeyntu dhicin.

Duqeymahan waxay kusoo aadayaa xilli Ururka Midowga Afrika uu wadahadallo Nabadeed dhax dhigay maleeshiyaadka TPLF iyo dowladda Itoobiya ee uu madaxda ka yahay Abiy Axmed.

Related Items