Ma laga yaabaa in dagaalka Tigreega uu horseedo in Xukuumadda Abey Axmed ay dhacdo?!

Thursday September 15, 2022 - 22:22:31
Liibaan Jeexoow
Kadib 5 bilood oo xiriir ah oo ay xabad joojin u dhexeysay dowladda dhexe ee Itoobiya iyo koxoda TPLF ee Tigreega, waxay markale labada dhinac dib ugu laabteen dagaalladii cuslaa ee dhexmari jirey. Furimaha dagaalka ayaa waxaa ka billowday dagaallo xoogan oo aan waxba la isku reeban, magaalada Maqalle ee caasimadda Tigreegana waxay markale marti gelisay duqeymo xoogan oo ay fulinayaan diyaaradaha Dronesta ee dowladda Itoobiya.
Kooxda TPLF ayaa ku jirta dagaal culus oo ka dhan ah xukuumadda Abey Axmed, bishii NOvembar ee sanadkii 2021-da ayaana isbaheysi ka kooban 9 urur oo Itoobiyaan ah waxay ku dhawaadeen iney la wareegaan magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa, taladana ka tuuraan Abey Axmed, hase yeeshee ciidamada federaalka ayaa todobaadyo kadib waxay ku guuleysteen iney dib ula wareegaan hogaanka dagaalka, Marso 2022-da ayayna xukuumaddu ku dhawaaqday xabad joojin ay la gaartey kooxda TPLF, arintaasi ayaana u muuqatay mid ay dowladdu ku dooneyso iney ku nasiiso ciidamada, iyadoo go’aan hoose ku gaartey iney markale billowday duulaankeeda ka dhanka ah Tigreega, kooxda fallaagada ayaa laftooda xabad joojintaas u arkayay fursad ay dib u habeyn ku sameyn karaan ciidamadooda.

Wareega labaad ee dagaalka u dhexeeya Tigreega iyo dowladda Itoobiya wuxuu billowday markii xukuumaddu ay ku dhawaaqday in ciidanka milliteriga ay dhulka soo dhigeen diyaarad hub u siday kooxda Tigreega, taasi oo ay ku tilmaamtey iney tahay jebineysa heshiiska xabad joojinta, si dadbanna waxay ugu eedeysay in diyaaradaas hubka siday ay soo direen dowladaha Masar iyo Suudaan.

Hase ahaatee kooxda TPFL waxay ku dooda inaaney waxba ka jirin sheegashada xukuumadda, dagaalkana ay marhore u diyaar garoobeen ciidamada Itoobiya, arinkaasina ay ka war heleen 5 maalin kahor dhacdada diyaaradda lagu soo riday, maadaama ciidamo aad ubadan oo gurmad ah ay soo gaarayeen furimaha hore ee la isku hor fadhiyo.

Ciidamada Itoobiya ayaa hadda sii xoojiyay go’doonka ay ku hayaan wuqooyiga dalka, iyagoo diidan in kooxda TPLF ay cagta dhigto deegaanno dhaca xuduuda Suudaan, taasoo keeni karta iney gurmad milliteri ka helaan dhanka Suudaan, iyo in sidoo kale kooxda Tigreega usoo taqadumto dhanka caasimadda, tallaabadaas oo halis gelin karta amniga dalka Itoobiya si gaar ah xarunta dowladda ee caasimadda.

Xiisadda colaadeed ee ka dhexeysa dowladda dhexe ee Itoobiya iyo kooxda Tigreega wuxuu soo billowday markii is maamulka Tigreegu qabsaday doorasho ay diidaneyd xukuumadd dhexe, kadib markii baarlamaanka dalka uu muda kordhin u sameeyey Abey Axmed, dowladda dhexe waxay dhankeeda diiday iney aqoonsato natiijada doorashada ka dhacday gobolka Tegrey.

Wax weliba waxay ka daroo dibi dhal noqdeen, markii iyaguna kooxda Tigreegu shaaca ka qaadeen inaaney aqoonsaneyn xukuumadda dhexe ee Abey Axmed, maadaama muda xileedkeedii uu dhacay.

Bishi Septembar ee sanadkii 2020-ka, waxay dowladda dhexe ee Itoobiya joojisay gebi ahaanba xawaaladihii lacagaha la isugu deri jiray ee gobolka Tigreega, iyadoo sidoo kale miizaaniyad ka jartay is maamulka Tigreega, waxaana tallaabadan lagu tilmaamay tii ugu xooganeyd ee sii hurisay khilaafka labada dhinac.

02-dii Novembar ee isla sanadkas, waxay ciidamada Itoobiya weerar culus ku billaabeen magaalada maqalle iyo deegaannada ay degaan Tigreega, iyadoo dowladda dhexe ay sheegtay inay ka jawabeyso weerar ay Tigreegu kusoo qaadeen saldhig ciidan.

Dadka ka faallooda arimaha dalka Itoobiya waxay sheegayaan iney tahay markii ugu horeysay oo ay dagaallo dhexmaraan gobol kamid ah Itoobiya iyo dowladda dhexe ee dalkaas, waxaana loo badinayaa dagaalkan inuu horseedo in goblka Tigreegu qaado tallaabo uu kaga go’ayo jamhuuriyadda Itoobiya inteeeda kale.

Qomwiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiya ayaa 30kii sano ee lasoo dhaafay waxay aad uga careysnaayeen in talada dalka ay mar weliba gacanta ku hayaan Tigreega oo tiro ahan kamid ah kuwa ugu yar, marka laga hadlayo qwmiyaha dega dalka Itoobiya, waxaana dalka sanadkii 2018ka ka billowday dibadbaxyo looga soo horjeedo Xeyla Maryam Deceline raiisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya.

Oromada oo ka dhigan 40% guud ahaan shacabka Itoobiya ayaa si cad u muujiyay iney kasoo horjeedaan qaabka la isugu bedelo xukunka dalka, jabhadda Oromadana waxay si lama filaan ah xilka uga qaaday hogaamiyaheedii Lama Maqrsa, iyadoo ku bedeshay jeneraalkii hore ee Sirdoonka Itoobiya ninka lagu magacaabo Abey Axmed.

Waxay banaanbaxyadu sii socdaanba, waxay keentay in Hayla Maryam Deceline uu xilka iska casilo, waxaana billowday olole lagu doonayo in lagu soo doorto ra’iisul wasaare cusub, Amxaarada iyo siyaasiyiintodana waxay taageereen Abey Axmed, taasoo keentay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Wuxuu Abey Axmed isku muujiyay inuu yahay nin nabadeed, isagoo sii daayay siyaasiyiin ku xirnaa xabsiyada, sidoo kalena warbaahinta u ogolaaday in si taxadar leh ay uga shaqeeyaan wadanka, sanadkii 2018-ka wuxuu ugu magacdaray sanadkii heshiisyada.

Tallaabooyinkii uu qaaday Abey Axmed waxaa kamid ahaa inuu xilka ka qaaday taliyaashiii ciidamada iyo sirdoonka oo tan iyo sanadkii 1991-diiba isaga daba marayeen shakhsiyaad kasoo jeeda Tigreega.

Tallaabada uu saraakiishan ku bedelay waxay kicisay carada Tigreega, oo u arkay Abey Axmed inuu si gaar ah u beegsanayo qowmiyadda Tigreega ee dalka Itoobiya soo maamuleysay intii u dhexeyeysay 1991-dii illaa 2018-ka.

Waxaa kaloo Tigreega aad uga caraysiiyay, tallaabadii uu Abey Axmed kula heshiiyay dowladda Erteriya, uguna tanaazuley dhulka ay isku heysteen labada dal, waxayna tani Tigreegu u arkeen tallaabo kale oo uu Abey Axmed ku beegsanayo Tigreega, maadaama Tigreegu ahaayeen dadka hurinayay dagaalkii dhexmaray Itoobiyaanka iyo Erteriya.

Muda kooban ayay ku dareemeen Tigreegu inaaney taro farahooda ku jirin, dalkana uu la wareegay nin iyaga u daran, sidaasi darteed iyagoo is badaya awood iyo qabweyni ayay si cad uga hor yimaadeen xukuumadda Abey Axmed, isaguna kama waaban oo waa uu kudur duriyay.

Xilligan la joogo 40% qomwiyadda Tigreega waxay wajahayaan xaalad cakiran oo xaga nolosha ah, waxayna qarka u saaranyihiin iney macluul u dhintaan, gobolka Tigreega ayaana afarta jiho ka go’doonsan, wxaana u dheer duqeymo aan kala sooceynin qof hubeysan iyo mid shacab ah oo diyaaradaha Itoobiya halkaas ka geysanayaan, dhamaan arimahaasna wuxuu Abey Axmed u sameynayaa inuu soo dedejiyo guul milliteri oo uu ka gaaro dagaalka Tigreega.

Khasaaraha labada ciidan ee dagaalamaya gaaraya ayaa ah mid aad u ballaaran, kooxda Tigreega ayaana albaabadeeda waxay u furtey cid weliba oo Tigrey ah oo doonaya inuu dagaallamo, muuqaalo lagu arkey Internetka ayaana muujinaya caruur aad u yar yar oo hubka garwaaxsan, furimaha hore ee dagaalkana iska xaadiriyay, taasoo muujinesya in dagaalka ay ku jiraan u arkaan inuu yahay mid masiiri ah.

Dagaallada ugu culus waxay xiligan ka socsadeen saddex geesoodka kala qeybiyaha gobolada Tigreega iyo Axmaarada, qomwiyadda Amxaarada ayaana la safan dowladda dhexe ee Itoobiya, kooxda fallgaada ayaana tilmaameysa in Itoobiya ay heleyso gurmad uga imaanaya dowladda Ertetriya oo ah cadow soo jireen ah ku ah Tigreega.

Maadaama ay hadda fashilmeen wadahadallada, dagaalkuna u muuqda mid horleh, waxaa la filan karaa in dhowr arimood uu horseedo dagaalka Itoobiya, waa mida koowaade in kooxda Tigreega ay u jiheystaan dhanka caasimadda Itoobiya, iyagoo taageero ka helaya jabhadda OROMADA oo kasoo horjeeda Abey Axmed, maadaama ay ku eedayeen in dowrkooda iyo kaalintooda uu xaqirey, marka shakhsiyadiisa laga soo tagana aaney dalka ku lahayn wax saameyn ah.

Filashada labaad, waxay tahay in kooxda TPLF ay afka saarto jihada bari ee gobolka oo uu ka xigo gobolka Canfarta, halkaas oo ganacsi ahaan ay horey ugu tiirsanaayeen, hadana laga go’doomiyay, iyagoo xooga saaraya iney la wareegaan magaalada Miil oo uu maro jidka dheer ee isku xira Jabuuti iyo magaalada caasimadda ah ee Itoobiya Adis Ababa.

Haddii ay taasi ku guuleystaan kooxda Tigreega waxay ka dhigantahay iney go’doomin xaga dhaqaalaha ah kusoo rogaan xukuumadda Abey Axmed, dhaqaalaha Itoobiyana halis horleh uu wajaho, taasoo xukuumadda dhexena ku qasbi doonto iney si xad dhaaf ah u adeegsato diyaaradaha Dronesta si ay u ilaashato wadada keliya ee ay ku nooshahay Adis Ababa.

Xukuumadda dhexe ee Itoobiya ayaa aad uga cabsaneysa in Tigreegu ku guleystaan la wareegitaanka qeybo kamid ah gobolka Canfarta, maxaa yeeley taasi waxay xoojineysaa awoodooda marka wadahadallada la gaaro, dhanka kalena uma sahlana kooxda Tigreega in si fudud ay ku gaaraan Canfarta labo sababood awgeed, waa mida koowaadee iyagoo horey ugu guuleysan waayay iney si buuxda gacanta ugu dhigaan gobolka Canfarta, waa mida labaade gobolka oo juqraafi ahaan ah meel banaan, taasoo malleeshiyaadka Tigreega gelin karta halis xaga nolosha ah, maadaama diyaaradaha Itoobiya ay si fudud ku beegsan karaan qulqulka ciidanka iyo wadooyinka gurmadka uu kasoo gaaro.

Waxa ugu sahlan ee xaaladan ay ku dhaqaaqi karaan Tigreega, sida dadka arimaha Itoobiya aqoonta u leh tilmaamayaan ayaa ah iney afka aadiyaan dhanka wuqooyiga, xoogana saaraan iney ka helaan xuduuda Itoobiya iyo Suudaan meel un ay cagta saaraan, taasoo u horseedi karta iney helaan wado uu gurmad kusoo gaaro, maadaama sida hadda muuqata uu Isfahan kala dhexeeyo jabhadda taliska milliteriga dalka Itoobiya.

Inkastoo kooxda Tigreegu xaaladda ku adagtahay, go’doon adagna ku jiraan, jiho dhow oo u furanna aaney jirin, hadana uma fududa Abey Axmed inuu kooxdan maquuniyo, una awood sheegto, sida ay dadka falanaqeeya arimaha dalkaasi tilmaamayaan, waxaana Abey Axmed ku adag inuu maamulkiisa uu gomadaha dhulka la helo, mashruuciisa siyaasiga ahna guuleysto, labo sano oo uu dagaal kujirana ilaa iyo hadda uma suuragelin inuu Maqalle si buuxda ula wareego, iska caabinta kooxda Tigreegana soo afjaro.

Sida ay tilmaameyso majallada Forein Policy waxaa suuragal ah in saraakiisha milliteriga Itoobiya ay afgembi kula kacaan Abey Axmed, taladana ka tuuraan, si ay wadahadal rasmi ah ula garaan Tigreega, dagaalka wadanka ka socdana loo soo afjaro, hase ahaate Abey Axmed ayaa arinkaasi feejignaan dheeri ah ka muujinaya, saraakiisha talada heysa ayaana badankood daacad u ah isaga, kuwii laga shakisanaana waa hore ayuu xilka ka xayuubiyay, qaarkoodna xabsiyada ayaa loo dhaadhiciyay.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ka socda gudaha Itoobiya ee u dhexeeya Tigreega iyo dowladda dhexe Itoobiya ayaa ah dagaal ay dani ugu jirto muslimiinta geeska Africa kunool gaar ahaan Soomaaliya, maadaama burubkra Itoobiya ay ka dhigantahay soo laabsashada imaarad islaami ah oo ka istaagta geeska Africa saldhigooduna noqdo dalkan Soomaaliya.

Mustaqbalka dhow ayaana la filan karaa in ciidamada xabashida Itoobiya ee dalka duulaanka ku jooga ay ku laabtaan gudaha Itoobiya, waase haddii uu dagaalku sii socdo, Abey Axmedna dareemo halis soo wajahday jiritaanka xukuumadiisa, markaas oo uu ku qasbanaan doono inuu ciidankiis Soomaaliya jooga u yeero.


Related Items