Al Qaacidda oo markale kusoo Rogaal Celisay Koonfurta dalka Yemen.

Thursday September 15, 2022 - 22:29:38
Liibaan Jeexoow
Jihaadiyiinta Ansaaru Shareeca ee dalka Yemen ayaa xamlo dagaaleed balalaran oo aaan waayahan la arag ka wada gobolka Abyan ee koonfurta wadankaas, xamaladaas oo ay kaga hortagayaan malleeshiyaad daacad u ah Imaaraatka Carabta iyo dowladda Maraykanka oo isku dayaya iney deegaannada gobolkaas ka saaraan ciidamada Islaamiga.
Ansaaru Shareeca ayaa lasoo baxday dardar dagaal iyo abaabul qorsheysan oo ay kaga hortagayaan xamalada ay isku soo baheysteen ciidamada daacadda u ah Imaaraatka Carabta iyo kuwa xukuumadda Yemen, waxaana dagaallo tan iyo Sabtidii dhacayay dharbaaxo culus lagu gaarsiiyay malleeshiyaadka, iyagoo lagu qasbay iney dib ugu laabtaan goobihii ay kasoo duulaan tageen.

Marka lagasoo tago ka hortaga xamalada cakariga ah ee ay soo qaadeen malleeshiyaadka koonfureed ee daacadda u ah dowladda IMaaaraatka Carabta, waxay dagaalyahannada AlQaacida ee Jaziiratul Carab soo celiyeen xuduur iclaami ah oo xaga warbaahinta ah, iyagoo daqiiqad daiiqad usoo gudbinaya hadba wixii kusoo kordha dagaalka iyo faafaahinta howlgallada ay Mujaahidiintu fuliyeen oo sawirro iyo cadeymo wata.

Xamalada caskari ee ay Islaamiyiintu kaga hortagayaan malleeshiyaadka Imaaraatka waxaa loogu magacdaray Sihaamul Xaqq ama leebabka Xaqqa, waxaana Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca tilmaameen iney qeyb ka tahay ka hortaga Sahyuuniga ee uu Imaaraadku ku doonayo inuu kula wareego koofnurta Yemen.

Bayaan kasoo baxay AQ waxaa lagu sheegay iney wadi doonaan howlgallada ay kaga hortagayaan xamalada ay soo qaadeen malleeshiyaadka Imaraatka carabta, ayna jebi doonto Allaah idinkii sidaba ay horey ugu jabeen labo xamlo oo ay sanadihii tagay kusoo qaadeen deegaannada koonfurta YEMEN, kuwaasoo ay ku doonayaan iney kula wareegaan.

"Mashruuca iyo risaalada Mujaahdiiinta waa in kor loo qaado kalimadda Allaah, dhulkana la makaniyo kalimadda Alle, lagana hortago duulaanka Maraykanka, Sahyuuniyadda iyo dabadhilifyadooda Imaaraatka ay kamid tahay, Mujaahidintuna ma beegsan doonaan ciddii aan ka hor istaagin fulinta waajibkaas sharicga ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca.

Mandiqadda Muudiyah ee gobolka Abyan ayaaa 16kii Bishan Safar waxay Islaamiyiintu silsilado qaraxyo iyo kamaaina ah ugu dhigeen malleeshiyaadka taabacsan dowladda Imaaraatka Carabta, Mujaahidiinta ayaana basbeeliyay gawaari gaashaman oo ay malleeshiyaadku wateen, iyagoona dhimasho iyo dhaawac 13 askari oo daacad u ah Imaaraatka iyo mashruuciisa.

Mandiqadda Lowdar ee gobolka Abyan ayay sidoo kale mujaahidiintu waxay ka fuliyeen qarax loo adeegsaday mooto lagu xirey walxaha qarxa, waxaana lagu beegsaday kolonyo katirsan malleeshiyaadka oo isticmaalayay jidka weyn, goobtana waxaa ka dhashey khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.
Mandiqadda Al-Museynaca ee gobolka Shabwah ayaa sidoo kale marti gelisay howlgallo waaweyn oo lagu beegsaday malleeshiyaadka dowladda Imaaraatka Carabta, kuwaasoo ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca.

Dagaal culus oo maalin socday ayaa ka dhacay deegaanka, waxaana malleeshiyaadka lagu qasbay iney dib u laabtaan, iyagoo sita meydadka iyo dhaawacyada dhowr askari oo ay Mujaahidiintu waxyeelleeyen.

Magaalada Cataq ee gobolka Shabwah ayaa sidoo kale kamid ah goobaha ay weeraradu ka dhaceen, qarax miino oo dhulka lagu aasay ayay Mujaahidiintu ku burburiyeen gaari cabdile ah oo ay saarneeyeen tiro malleeshiyaad ah.

Qaraxan waxaa ku dhintey 3 askari oo katirsan malleeshiyaadka Imaaraatka Carabta, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 5 kale, sawirro uu baahiyay wariyaha Ansaaru Shareeca ayaana lagu arkayay burburka gaariga oo gaarey oo ah mid culus.

Markaad eegto malleeshiyaadka Imaaraatku tababaray iyo saraakiishooda iyo sidoo kale warbahainta taabacsan ee dagaallada tabineysa, waxay qarsan la’yihiin jabka xoogan ee dhabarka loo saarey, iyagoo tilmaamaya iney u baahanyihiin gurmad xoog leh.

Naasir Al-yaafici oo taabacsan malleeshiyaadka Xizaamul amniga Imaaraatka Carabta ayaa qoraal uu soo dhigay facebooka wuxuu ku sheegay in meydadka 18 askari oo ay lagu soo diley howglallada ay Mujaahidiintu ka wadaan dalka Yemen la dhigay isbitaalka weyn ee Lowdar, lana kala garan la’yahay, maadaama qaraxyadu ay si adag u haleeleen, ehelladana loo baahanyahay in isbitaalka ay tagaan, si bal ay u kala gartaan meydadka la kala fahmi la’yahay.

Markale wuxuu sheegay Naasir in ciidankooda la shirqooley, AlQaacidana adeegsatey taktiik halis badan, kadib markii ay ciidanka u baneysay masaafo dheer, markii ay soo galeenna ay mar keliya ku beegsatay kudhawaad 30 qarax oo noocyada dhulka lagu aaso ah, markaas kadibna uu billowday dagaal culus oo jihooyinka ah, ugu badanaan ciidamada Imaaraatka taabacsanna ay iminka ku go’doonsanyihiin goobihii ay tageen.

" Waxaan u baahannahay gurmad ciidan, si gaar ah furimaha Abyan, Al-YAAFICI iyo Ad-daalic, nasoo gaara asxaabey, halkaas waxaa ka socda gumaad wuxuushnimo ah oo loo geysanayo ciidankeena” ayuu yiri sarkaalkan taabacsan malleeshiyaadka Xizaamul amniga.

Iyadoo qeyb ka ah boorinta muslimiinta iyo mujahdiinta, lana dardar gelinayo xamlada Sihaamul Xaqq ee ay Mujaahidiinta Alqaacidada Jaziiratul Carab uga hortagayaan xamlada mallleeshiyaadka Imaaraatka soo qaadeen, ayay mu’assasada Al-Bashaa’ir baahisay nashiid xamaasi ah oo boorin ah, kaasoo uu qaadayo mid kamid ah munashidiinta Al Qaacidda.

Related Items