Ciidanka Turkiga oo duqeymo iyo dhaq dhaqaaqyo Melleteri ka wada waqooyiga Suuriya.

Wednesday September 21, 2022 - 08:14:28
Liibaan Jeexoow
Wasaaradda difaaca ee dowladda Turkiga ayaa shaacisay in ugu yaraan 1 askari oo katirsan ciidamadooda lagu dilay, mid kalena lagu dhaawacay Mandiqadda Suruuj oo ku taalla xuduudda ay wadaagaan Suuriya iyo Turkiga, kadib markii weerar sawaariikh ah lagu garaacay xerooyin ay ku sugnaayeen ciidamo Turki ah.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dowladda Turkiga islamarkaana lagu baahiyay bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in 1 askari uu kaga dhintay, mid kalena uu kaga dhaacaymay weerarka, iyagana ay ku jawaabeen madaafiic ay ku garaaceen deegaanno dhaca dalka Suuriya, kuwaas oo ay sheegteen iney ku dileen 12 kamid ah Maleeshiyaadka Kurdida ee dagaalka kula jira xukuumadda Ankara.

Weerarkaan lagu beegsaday xerooyinka ay ciidamada Turkida ku leeyihiin dalka Suuriya ayaa imaanaya, saacado un kadib markii ay xukuumadda Ankara shaacisay iney dishay Maxamed Qoorbooz oo ahaa hogaamiye sare oo katirsan Maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Hogaamiyahaan ayay dowladda Turkiga sheegtay inuu ahaa masuulka Mandiqadda Furaat ee woaooyiga Suuriya, islamarkaana uu kamid ahaa saraakiisha ay doon dooneysay, waxaana lagu dilay weerar duqeyn ah oo ay diraadaha aan duuliyaha laheyn ee Turkiga ka fuliyeen Mandiqadda Ceyn Ciisa, sida lagu sheegay bayaanka kasoo wasaaradda.

Waxaa deegaanno badan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada nidaamka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad ka taagan dhaq dhaqaaqyo mileetari iyo duqeymo ay is dhaafsanyeen iyaga iyo Maleeshiyaad kale.

Goobaha laga dareemayo dhaq dhaqaayada duqeymahana ay ka dheceen waxaa kamid ah Xalab, Raqqah, iyo Al-Xasakah, ciidamo katirsan nidaamka Nuseryiyada ee Bashaar Al-Asad ayaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dqeyn xagga cirka ah oo ay diyaaradaha dowladda Turkiga la beegsadeen fariisimo ay ku lahaayeen deegaanno dhaca magaalada Ceynul Carab ee bariga Xalab.

16-kii Bishii Augost ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii 20 askari oo katirsan ciidamada Nidaamka Nuseyriada ee Bashaar Al-Asad ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqeyn xagga cirka ah, oo ay diyaaraha dowladda Turkiga ku garaaceen fariisimo ay askartaan ku lahaayeen deegaanno dhaca baadiyaha Xalab ee dalka Suuriya.

Dhinaca kale Maleeshiyaad kasoo hor jeeda dowladda Turkiga ayaa xabsiga dhigay tobannaan ruux oo ay ku jiraan xubno iyaga kamid ah, qaar katirsan nidaamka nuseyriyada iyo dad rayid ah, kuwaas oo lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Mandiqadda Ceyn Ciisaa, kuwaas oo ay fuliyeen diyaaradaha dowladda Turkiga, laguna dilay 5 askari.

35 Kamid ah kooxda, 21 ruux oo rayid ah, iyo 2 katirsan ciidanka Nuseriyada ayaa xabsiga la dhigay, waxaana socda baaritaanno lagu hayo dadkaas, kuwaas oo ku eedeysan iney la shaqeynayeen sirdoonka Turkiga, islamarkaana gudbiyeen macluumaadyo ku aaddan dhaq dhaqaaqa Maleeshiyaadkaas.

Wariyayaal ku sugan Magaalada Al-Xasakah ee dalka Suuriya ayaa soo tabinaya, in laba diyaaradood oo helekotar ah oo ay leedahay dowladda Mareykanka ay caga dhigteen tuulada Tal-Ziwaan, wadada xiriirisa xududda ay wadaagaan Turkiga iyo Suuriyana ay kasoo gudbeen 4 gaari oo C/bile ah, waxayna arrintaan kusoo aadaysaa kadib markii tiro hoobiyayaal ah ay kusoo dheceen fariisimo ay ciidamada Turkidu ku leeyihiin halkaas.

Waxaa intaas dheer in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Ruushka ay iyagana duqeymo xooggan ka geysteen nawaaxiga Idlib, iyagoona si gaar ah u beegsaday tuulada Sheykh Yuusuf oo dhacda gableedka gobalkaas.

Dalka Suuriya ayaa waxaa duullaan mellatari ku jooga shisheeye jinsiyado kala duwan leh oo ay ugu horreeyaan Mareykanka , Ruushka iyo Turkiga, waxaana dhammaan dowladahaan ay weerar ba'an ku hayaan muslimiinta ku nool dalkaas, iyagoona geysta duqemo wuxuushnimo ah oo ay ku bar-tilmaamedysanayaan dadka rayidka ah.

Related Items