Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan bartamaha dalka Soomaaliya.
Ciidamada wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa shalay gelinkii dambe weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigga ciidamada maamulka 'Galmudug' ee deegaanka Cada Kibir.
Madaafiicda kadib waxaa ka dhacay iska hor'imaad fool ka fool ah oo udhaxeeyay xoogagga weerarka soo qaaday iyo maleeshiyaadka 'Galmudug'.
Warar soo baxay ayaa xaqiijinaya in dagaalkii Cada Kibir ay dhaawacyo kasoo gaareen illaa 2 sarkaal oo kala ah Gaanbuur oo ah madaxa dagaal gelinta maleeshiyaadka Baxdo ku sugan iyo Cabdi Dheere oo isna kamid ah saraakiisha ciidamada 'Galmudug.
Sidoo kale weerar culus ayaa xalay lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada Jabuuti ka sameysteen garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud balse lama oga khasaaraha ka dhashay.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino lagu beegsaday ciidamo huwan ah oo shalay gaaray deegaanka Nuur Fanax.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 askari ay ku dinteen qaraxa, sidoo kale warar laga helay isla gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay qaraxyo lagu beegsaday ciidamo huwan ah oo shalay qabsaday deegaanka Booco oo qiyaastii 45Km ujira magaalada Beledweyne.