Madaxweynaha Ruushka oo uyeeray ciidamadiisa Keydka.

Wednesday September 21, 2022 - 13:09:13
Liibaan Jeexoow
Go'aan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Ruushka ayaa lagu iclaamiyay in xaalad heegan ah lageliyay dhammaan ciidamada dowladda si loo xoojiyo dagaalka Yukreyn.
Faladamiir Putin ayaa amray shacabka Ruushka in ay taageeraan howlgalka Yukreyn islamarkaana wuxuu u yeeray ciidamada Keydka Ruushka.

Putin ayaa tallaabadan ku sifeeyay mid looga hortegayo duullaanka ka imaanaya wax uu ugu yeeray Naaziyiinta cusub oo uu ula jeedo dowladaha Reergalbeedka.

Uyeeridda ciidamada Keydka Ruushka ayaa imaanaysa xilli isbuucyadii lasoo dhaafay ay melleteriga Yukreyn dib uqabsanayeen magaalooyin iyo gobollo ay horay uheysteen ciidamada Russia.


Related Items