Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada dowladda Federaalka lagu gaarsiiyay dagaalladii aadka ucuslaa ee shalay ka dhacay.
Saraakiishii ugu sarraysay ee hoggaaminayay duullaankii maalin ka hor ay ciidamada huwanta ah ku qaadeen deegaanka Booco ayaa ku dhintay dagaalkii shalay.
Mas'uuliyiin katirsan dowladda ayaa baraha bulshada soo dhigay sawirrada saraakiil lagu dilay dagaalkii shalay, saraakiisha dhimatay ee magacyadooda la shaaciyay waxaa kamid ah Abuukar Sayid Cali oo darajadiisa ciidan ay aheyd 2 xidigle, ninkan wuxuu ahaa taliyaha maleeshiyaadka Gorgor ee maamulka Hirshabelle.
Sidoo kale waxaa saraakiisha lagu dilay deegaanka Booco kamid ah Axmed Jaamac Dhulun oo kamid ahaa saraakiishii ay ciidamada Mareykanku ku tababareen saldhigga Balidoogle.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada ee DF-ka kasoo gaaray dagaalkii shalay ay kor udhaaftay 20 askari.
Waxaa xusid mudan in Al Shabaab iyo DF-ka aysan wali si rasmi ah uga hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Booco