Diyaaradaha dowladda Kenya oo duqeymo ka geystay deegaanno katirsan Jubbada hoose.

Thursday September 22, 2022 - 10:57:22
Liibaan Jeexoow
Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa markale duqeymo ba'an ka geystay deegaanno katirsan gobolka Jubbada hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya degmada Badhaadhe ayaa sheegaya in diyaaradaha Kenya ay duqeyn ka geysteen illaa 4 tuulo oo hoostaga degmada Badhaadhe.

Goob joogayaal ku sugan deegaannada loo yaqaan dhulka Joorraha ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradaha Kenya ay duqeeyeen tuulooyin ay kamid yihiin Dallaayad Xaaboole iyo Quruun balse majirin wax khasaara nafeed ah oo ka dhashay duqeymahaasi.

Odayaasha deegaanka ayaa xaqiijiyay in duqeymuhu ay argagax geliyeen shacabka islamarkaana ay didiyeen xoolo daaqayay dhulka howdka ah.

Dowladda Kenya oo ciidamadeedu ay xoog ku haystaan deegaanno katirsan Jubbada hoose iyo Gedo ayaa xasuuq ugeysata dadka shacabka ah iyadoo ku marmarsiyoonaysa lagaallanka Al Shabaab.

Related Items