Muran ka taagan hawlgalka Hiiraan iyo Maraykan oo afka furtay. [WARBIXIN]

Thursday September 22, 2022 - 16:28:32
MeMO Staff
Muran iyo khilaad xooggan ayaa soo kala dhexgalay ciidamada huwanta ah ee iskugu jira shisheeyaha iyo Soomaalida, kuwaas oo iska kaashanaya dagaalka ka socda bariga gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dagaal kula jiraan ciidamada Xarakada Al-Shabaab.
Ciidamadaan oo dabayqaadadii bishii Juun ee la soo dhaafay dagaal kasoo bilaabay duleedka degmada Matabaan ayaa waxay saddex bilood kadib soo gaareen degmada Buulaburde kadib markii ay soo qabsadeen deegaano iyo tuulooyin ka tirsan degmooyinka Maxaas iyo Buulaburde.

Muranka ugu weyn ayaa ka taagan cidii sheegan lahayd guusha ay sheegeen in ay ka gaareen qabsashada tuulooyinkaas oo gacantooda ka maqnaa muddo sanado ah.

Maamulka Xassan Sheekh ayaa hore uga codsaday milatariga Maraykanka inuu ku caawiyo diyaaradaha dorooniska loo yaqaano kuwaas oo dusha ka ilaalinaya kolonyada ciidamada DF, isla markaana duqaymo la beegsadaan ciidamada Shabaabka ee dagaalka kala horyimaada. Intaas kadibna ay ciidamada dawladu sawiro ka soo qaadaan deegaanada ay qabsadaan iyo ciidamada Shabaabka ah ee lagu dilo duqaymaha Maraykanka, kuna faanaan inay iyagu jebiyeen Jihaadiyiinta.

Maraykanka oo aqbalay codsiga Xassan Sheekh Maxamuud ayaa fuliyay duqaymo aad u farabadan oo uu la beegsaday ciidamada Al-Shabaab, isagoo dhanka warbaahintana ka gaabsaday inuu sheegto masuuliyada duqaymahaas. Saraakiisha, masuuliyiinta iyo xildhibaanada taageersan Xassan Sheekh ayaa si joogta ah warbaahinta uga sheeganaya inay iyagu yihiin cida ku guulaysatay qabsashada tuulooyinka iyo dilka Shabaabka.

Sheegashada guusha ee Ciidamada DF waxaa ay ka caraysiisay maleeshiyo beeleedyo kasoo jeeda qaybo kamid ah Hiiraan kuwaas oo dagaalka kala qayb qaatay Maraykanka iyo DF. Waxaa ay maleeshiyadaas dhankeeda sheegatay inay iyagu hormuud u yihiin qabsashada tuulooyinka. Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa ajnabiga sida BBC Somali, VOA iyo kuwa gudaha wadanka ka hawlgala ayaa aad u buun-buuniyay maleeshiya-beeleedyada, arinkaas oo ay ka caroodeen masuuliyiinta maamulka Xassan Sheekh Maxamuud.

Saraakiisha ciidamada DF ayaa ku cadaadiyay maleeshiyo beeleedyada inaysan sheegan qabsashada tuulooyinka, ayna ku gaabsadaan inay yihiin kaalmo oo kaliya, balse maleeshiya-beeleedkaas ayaa arinkaas gaashaanka u daruuray, waxayna baraha bulshada soo dhigeen muuqaallo muujinaya iyagoo ku sugan furimaha dagaalka, sheeganayana inay dib u qabsadeen deegaanadooda.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada DF oo ka carooday madax-adayga Maleeshiya-beeleedka ayaa mar kale Maraykanka ka codsaday inuu si rasmi ah u sheegto duqaymaha uu ka gaysanayo goobaha dagaalka, uuna cadeeyo in duqaymahaas ay yihiin fulinta codsi ka yimid maamulka Villa Soomaaliya. Maraykanka ayaa arinkaas ka aqbalay DF, wuxuuna shalay oo ay bishu ahayd 21 September sheegtay duqaymo uu saddex maalmood kahor, gaar ahaan 18-kii Sptember, ka fuliyay deegaanka Yasooman.

Masuuliyiinta ciidamada DF waxaa ay isku qanciyeen in hadii Maraykanku sheegto inuu kaalin ku leeyahay dagaalka isagoo fulinaya codsiga DF uu arinkaas cadayn u noqonayo been ahaanshada sheegashada maleeshiya beeleedka iyo warbaainta buun-buuninaysa maleeshiyadaas.

Cali Jayte Cismaan oo ah ninka sida rasmiga ah dagaalka usoo geliyay mawiislayda jufadiisa ayaa kamid ah dadka aad uga caraysan in DF ay iyadu sheegato qabsashada tuulooyin isla markaana hoos u dhigto kaalinta maleeshiya-beeleedka. Waxaana saacadihii lasoo dhaafay la arkayay isagoo siibay tuutihii ciidamada, qaatayna macasiis si uu niyada ugu dhiso macawiislayda.

Huwanka duullaanka ku soo qaaday qaybo kamid ah bariga Hiiraan ayaa ka kooban Ciidamada Turkigu tababaray, kuwa Maraykanku tababaray, maleeshiyada maamulka Hirshabelle iyo maleeshiya-beeleedka loo yaqaano Macawiisleeyda kuwaas oo ay circa ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka dawlada Marakanka.

Maleeshiyaatka Soomaalida ah ayaanan wax dhaqaaq ah samayn karin iyagoo aysan kor kala soconin diyaarada Maraykanka. Hawgal walba oo ay qaadaana waxaa qasab ku ah inay sugaan doroosinka Maraykanka, iyagoo aanan awoodin inay kaligood usoo bareeraan ciidamada Al-Shabaab.

Related Items