15 Askari oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay deegaanka Sinadhaqo ee gobolka Galguduud.

Friday September 23, 2022 - 15:31:11
Liibaan Jeexoow
Kadib dagaal culus oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaan kaabiga ku haya degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa khasaara culus dhabarka loogu saariyay maleeshiyaadka Galmug.
Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in ciidamada wilaayada Islaamiga ay dagaal culus kula wareegeen tuulada Sinadhaqo oo maalmo ka hor ay qabsadeen maleeshiyaad ashaamud ah.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada wilaayada Islaamiga ay cagta mariyeen saldhigyadii maleeshiyaadka Galmudug iyo kuwa Federaalka ay ku lahaayeen tuullada.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalka waxaa lagu dilay illaa 15 askari halka 20 kale ay dhaawacyo soo gaareen, maleeshiyaadka ladilay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ubadan kuwa dhowaan Muqdisho diyaarado looga daabulay.

Sinadhaqo ayaa ah deegaan leh Ceelal biyood oo ku dhow magaalada Dhuusamareeb.

Related Items