Dowladda Turkiga oo cambaaraysay Weerarkii Naf hurnimo ee ka dhacay Warshaddii Nac-Naca.

Monday September 26, 2022 - 08:02:27
Liibaan Jeexoow
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Turkiga ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarkii aadka uxoogganaa ee shalay ka dhacay saldhig kuyaal Muqdisho.
Dowladda Turkiga ayaa weerarkii naf hurnimo ee lagu beegsaday saldhigga Warshaddii Nac Naca ku tilmaamtay fal argagaxiso iyadoo dhaleecayn ujeedisay Xarakada Al Shabaab.

"waxaan cambaaraynaynaa falkii argagaxiso ee foosha xumaa kaas oo lagu qaaday ciidanka Soomaaliya" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Turkiga.

Xukuumadda Ankara ayaa ballan qaadday in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso qeybaha kala duwan ee maleeshiyaadka DF-ka.

"Turkiga wuxuu sii wadi doonaa taageerada Soomaaliya eedagaallanka ay kula jiro argagixisada wax walba oo ay awooddo” ayuu lasii raaciyay warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Al Shabaab oo mas'uul ka ahaa qaraxii warshadda Nac Naca ayaa sheegay in ay dileen illaa 30 askari islamarkaana ay dhaawaceen 40 kale.

Related Items