8 katirsan ciidanka Booliska Kenya oo weerar lagu dilay.

Monday September 26, 2022 - 08:05:49
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada booliska dowladda Kenya kasoo gaaray weerar hubaysan oo ka dhacay mid kamida gobollada wadankaasi.
Wararka ka imaanaya Koonfurta Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan 11 qof ay dhinteen kadib dagaal culus oo dhaxmaray kooxo burcad ah oo kasoo jeeda qowmiyadda Pokot iyo ciidamada dowladda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska guud ee ciidanka Kenya ayaa lagu sheegay in 8 askari oo katirsan ciidamada booliska ay dhinteen kadib markii ay weerar jidgal ah kala kulmeen maleeshiyaad burcad ah.

"wuxuu ahaa weerar fulaynimo ah oo ay booliska udhigeen kooxaha burcadda Lo'da dhaca" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska booliska Kenya.

Bilihii lasoo dhaafay burcadda dhacda Lo'da ayaa kusoo badanaysay qaar kamid ah gobollada dalka Kenya, waa khasaarihii ugu xooganaa oo gaara Booliska Kenya tan iyo markii uu xilka madaxweyne qabtay William Rotu.

Related Items