Sheekh Yuusuf Al Qadhaawi oo geeriyooday isagoo 96 sana jir ah.

Monday September 26, 2022 - 12:06:25
Liibaan Jeexoow
Waxaa magaalada Dooxa ee caasimadda dowladda Qadar ku dhintay Sheekh Yuusuf Al Qardaawi oo kamid ahaa culimada ufatwooda xukaamta carabta gaar ahaan Qadar.
Qardaawi oo ayaa dhintay isagoo 96 sano jir ah wuxuu ahaa wadaad caan ka ah caalamka islaamka gaar ahaan Masar iyo dowladaha Khaliijka balse sanadadii dambe ayuu usoo wareegay wadanka Qadar kadib markii ay is khilaafeen nidaamka Masar.

Sheekh Yuusuf Al Qardaawi ayaa sanado ka hor soo saaray Fataawaad baadil ah oo ay ka gadoodeen muslimiinta caalamka waxaana kamid ahaa Fatwo ogolaanaysay in muslimiintu ay kamid noqdon karaan ciidanka Mariiniska Mareykanka ee ku duullay dunimada muslimka.

Sidoo kale wuxuu soo saaray fatwo uu ku sheegayo in qof aan muslim aheyn uu Ahlu Janno yahay arrinkaas oo si aad ah ay uradiyeen culimada islaamka.

Related Items