Gaari ciidan oo Bankruft Mareykanku tababaray looga Gubay Duleedka Buulaburte.[SAWIRO]

Tuesday September 27, 2022 - 11:12:45
MeMO Staff
Sawiro ay heshay Shabakada Somalimemo ayaa muujinaya khasaare lixaadleh oo ciidanka Mareykanku tababaro ee loo yaqaano Bankruft kasoo gaaray dagaallo gelinkii dambe ee shaley ka dhacay duleedka Buulaburte kaas oo u dhexeeyey iyaga iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ciidankan ayaa shaley laga gubay laba gaari oo nooca dagaalka ah, kuwaas oo midkood uu haleelay garneelada garbaha laga rido, halka mid kalena ay haleeshay miino lagu aasay wadada dhinaceeda.

Gaariga ay miinadu haleeshay ayaa gabi ahaanba burburay, waxaana la socday ugu yaraan 15 askari oo 9 ka mid ah ay dhinteen, lix kalena ay dhaawacmeen, iyadoona ciidankuna ay u suuragali weysay in jiitaan gaariga laga qarxiyey.

Waxaa sawirada sidoo kale ka muuqanaya faashado dhiig ah, cirbado iyo cabitaanada iyo cuntooyinka Mareykanku farsameeyo ee loogu deeqo maleeshiyaatkan ay Washington tababartay.

Hoos ka daawo sawirada gaariga laga burburiyey ciidanka ee ay miinadu la kacday.

Related Items