Sawirro: Diyaarado Drones ah oo duqeeyay Iskuul kuyaal Masaajid Caliguduud.

Saturday October 29, 2022 - 08:51:41
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in diyaarado Drones ah ay duqeeyeen iskuul kuyaal deegaanka Masaajid Caliguduud.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka diyaarado loo malaynayo in ay leedahay dowladda Turkiga ayaa dhowr gantaal ku dhuftay dugsiga hoose dhexe ee degmada Masaajid Caliguduud.

Ma jirin wax khasaara nafeed ah oo duqeynta ka dhashay sababa laxiriira xilligii ay duqeyntu dhacaysay oo ahaa habeen balse waxaa jira burbur baaxad leh oo soo gaaray dhismaha iskuulkan oo ay wax ku baran jireen boqolaal arday ah.

Hawada deegaanka Masaajid Caliguduud waxaa dul heehaabaya diyaarado Drones ah oo ay leeyihiin dowladaha shisheeye balse illaa iyo hadda taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ma sheegan duqeyntan, warar soo baxayay isbuucii lasoo dhaafay ayaa sheegaya in diyaaradaha Turkiga ay maleeshiyaadka DF-ka ka gacan siinayaan dagaallada ka socda deegaanno katirsan Sh/dhexe.

Diyaaradaha Drones-ka ayaa bilihii lasoo dhaafay sare uqaaday duqeymaha lagu waxyeellaynayo shacabka ee ay ka geysanayaan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Related Items