Gaza;:21 qof oo ku dhintey dab ka kacay kaamka Jabaliya.

Saturday November 19, 2022 - 08:55:33
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya marinka Qaza ee Falastiin ayaa waxa ay sheegayaan in dab ka kacey dhismeyaal ku yaalla xaafadda Jabaliya ee waqooyiga marinka ay ku gubteen qoysas door ahi. Tirada khasaaraha nafeed ama dhimashada ayaa caga cagaynaysa 21 qof.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Qaza ayaa sheegay ka dib baadhitaan xoog leh oo ay sameeyeen in ay ku ogaadeen in dabka uu sabab u ahaa petrol badan oo lagu kaydiyey goobta, kaas oo markii gubashadu dhacdeyna degdeg u wada qabsadey dhismaha.

Dhanka kale ururka Xamaas oo ka taliya magaalada Qaza ayaa sheegay in ay dabagal qoto dheer ku samayn doonaan waxa dabkan kiciyey.

"Waxa dhacey musiibo xoog leh, qofna ma awoodin in uu badbaadiyo dhibbaneyaasha; ku noolaanshaha Qaza waa dulmi dulmi kor saaran” ayuu yiri qof goob jooge ahaa. 21-ka qof ee dhintey ayaa shaley jimcihii lagu tukadey janaaso wadareed, isla markaana la aasey.

Related Items