Dagaal Khasaare dhaliyay oo dhaxmaray Muuqaawada Falasdiin iyo ciidamada Yahuudda.

Monday November 21, 2022 - 07:16:17
MeMO Staff
Wararka laga helao dhulka Filistiin ayaa sheegaya in iska hor imaadyo dhowr ah uu dhexmaray ciidamada gumeysiga Yuhuuda iyo kooxa muqaawamada Filistiin, waxaana halkaas ka dhashay khasaare xoogan oo soo gaaray Yuhuuda.
Dagaalkan koowaad ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Jaba ee koonfurta Jiniin ee dhulka la heysto ee daanta galbeed, xabad waqti badan socotay kadib waxaana fadhliga ilaah halkaas isaga cararay askartii gumeystahan waliba iyagoo jab xoogan dhabarka loo saaray.

Iska hor imaadka kale isagana wuxuu ka dhacay magaalada Jabal al-Mukabar oo koonfur bari kaga beegan magaalada Qudus, waxayna wararku sheegayaan in halkaas Yuhuuda ay kasoo gaartay dharbaaxo culus.

Ilaa iyo hadda kooxaha Muqaawamada ma sheegin inta uu la egyahay khasaaraha ay u geesteen cadawga duulaanka ku jooga dhulkooda.

Waxaa mudooyinkaan dambe si aad ah usoo badanaya weerarada gaadmada ah iyo iska hor imaadyada lagu beegsanayo Yuhuuda isku soo beheysatay dilka iyo dhaca bulshada reer Filistiin.

Tani ayaana kamid ah weerarada ay muslimiinta Filistiin ku gumaadayaan Yuhuudan xaaqidiinta ah ee had iyo jeer dooneysa iney burburiso muqadasaatka Islaamka ayna boobto hantida shacabka reer Qudus.

Related Items