Dowladda Kenya oo xaqiijisay in Askar looga dilay gobolka Jubbada Hoose.

Thursday November 24, 2022 - 09:34:55
Liibaan Jeexoow
Dowlada Kenya ayaa xaqiijisay in khasaara nafeed uu ciidamadeeda kasoo gaaray weerar culus oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Jubbada hoose ee dalka Soomaaliya.
Afhayeen uhadlay melleetriga Kenya ayaa usheegay wakaaladda wararka AP in 3 katirsan ciidamadooda ay ku dhinteen weerar ay jihaadiyiinta Al Shabaab ka fuliyeen gobolka Jubbada hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa isbuucan gudihiisa dhowr jeer weeraro ku miray saldhigyada ciidamada Kenya ee ku yaal deegaannada Hoosingoow,Taabto iyo Cabdalla Biroole.

Kumanaan katirsan ciidamada Kenya ee loo yaqaan KDF ayaa duullaan gardarra ah ku jooga gobollada Gedo iyo Jubbada hoose waxayna ciidamada wajahayaan weeraro laayaan ah oo uga imaanaya Al Shabaab, weerarkii ugu khasaaraha badnaa ayay ciidanka KDF lakulmeen sanaddii 2016 kolkaas oo deegaanka Ceelcadde looga dilay inkabadan 180 askari.

Related Items