Taliska Booliska dowladda oo ku dhawaaqay in lasoo gaba gabeeyay howlgalkii Hotel Rossa.

Monday November 28, 2022 - 19:48:12
Liibaan Jeexoow
Shir jaraa'id oo uu magaalada Muqdisho ku qabtay Afhayeenka booliska dowladda Federaalka ayuu uga hadlay howlgalkii saacadaha badan qaatay ee ka dhacay dhismayaal kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada.
Afhayeenka booliska oo aan shirkiisa jaraa'id wax su'aalo ah lagu weydiin ayaa sheegay in galabta ay soo afjareen weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka Villa Rossa.

DF-ka waxay sheegtay in weerarka lagu dilay 15 qof oo 6 kamid ay ahaayeen dagaalyahannadii naftood hurayaasha ah balse waxaa larumaysanyahay in khasaaruhu intaas ka badanyahay.

Related Items