XSHM oo Warsaxaafadeed kasoo saartay weerarkii Hotel Villa Rossa [Bayaan].

Monday November 28, 2022 - 20:57:46
Liibaan Jeexoow
Waxaa soo gaba gaboobay weerarkii saacadaha badan qaatay ee ka dhacay Hotel kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerarku uu kusoo dhammaaday iyadoo la xaqiijiyay hadafkii laga lahaa oo ahaa in lalaayo askar iyo saraakiil katirsan dowladda.

Al Shabaab waxay sheegeen in weerarkii Hotel Rossa ay ku dileen 52 qof ayna ku dhaawacmeen 39 kale "Weerarada ayaa qaatay muddo ku dhow 24 saacadood oo xiriir ah. Ciidamada Mujaahidiintu ayaa fashiliyay isku dayo dhawr ah oo uu cadawgu doonayay inuu dib ugu soo ceshto gacan-kuhaynta dhismayaashaa. Waxayna intii dagaalku socday gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka ghaniimeysteen maleeshiyaatka ridada.

Khasaaraha cadawga soo gaaray inta ilaa hada la xaqiijiyay waa 52 dhimasho ah iyo 39 dhaawac ah. Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee cadawga soo gaaray ayaa isugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno, wasuur-dawlayaal, agaasimayaal, La taliyayaal dhanka amniga iyo siyaasada ah, saraakiil ciidan iyo askar intaba" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Halkan ka akhriso bayaanka oo PDF ah

Related Items