Qof falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 22 kalena waa lagu dhaawacay iska horimaad dhexmaray rag dhallinyaro ah iyo ciidamada maamulka gumeysiga ee jooga magaalada Beytu Cumar oo ku yaalla waqooyiga Hebron ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa
xaqiijisay in hal ruux uu u dhintay dhaawac halis ah oo ay ciidammada
guumaysiga ka gaarsiiyeen madaxa.
Waxayna wasaarada intaas ku dartay in shaqsiyaadkii halkaas ku dhaawacmay la geeyey Isbitaalada wadanka lalana tacaalayo xaaladooda caafimaad, walow ay ku jiraan ku ay soo gaareen waxyeelo xoogan.
Dhaqdhaqaaqayaasha falastiiniyiinta ayaa sheegay in wiilka dhalinyarada ah ee lagu mgacaabi jiray Mufid Khaliil.
Tani waxay kamid tahay guumaadka lagu hayo shacabka muslimka ah ee reer Filistiin, Yuhuuda ayaana had iyo jeer waxay gudaha Filistiin ka geesataa gabood fallo isugu jira dil, dhac, burburin guryo, IWM.